Akhri lixda su’aalood ee uu Madaxwaynuhu jawaabtooda ka leexday & waxa loo fasiran karo

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2020 – Madaxweynaha dalka, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay su’aalo dhowr ah ka jawaabey qaarna ka gaabsaday mar uu marti u ahaa xiisad su’aalo waydiin ahayd oo uu agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda.

Halkan ka akhri lixda su’aalood ee uu Madaxwaynuhu jawaabtooda ka leexday:

1 – Waxaa la weydiiyey Cabdikariim Qalbi dhagax Raal gelin ma siineysaa?

Su’aashaan waxaa ka jawaabey Wariyihii daadihinayey Barnaamijka ayaa yiri ” Mowduuca kuma jirto”.

2 – Waxaa la weydiiyey 13 kii Kursi Gobolka Banaadir xagee ku dambeeyeen

Wuxuu ku jawaabey Gudoonka labada Aqal ha la weydiiyo

3 – Madaxweynaha waxaa la weydiiyey ma damaanad qaadeysaa in hantida Qaran aan loo isticmaalin Doorashada

Suaashaan Madaxweynaha waa ka boodey oo ma soo hadal qaadin

4 – Waxaa la weydiiyey Musharax Madaxweyne ma noqneysaa

In kastoo uu ka meer meerey Su’aashaan hadana wuxuu yiri “Taas waqtigeeda ha la gaaro

5 – Waxaa la weydiyey Faragelinta Dowladda Kenya maxaa ka leedahay

Jawaabta Suaashaan inkastoo ka meer meerey hadana wuxuu su’aashaas u weeciyey in dalka dhibaato ku hayaan Shabaab

6 – Waa Su’aashii ugu adkeyd ee la weydiiyey Mada weynaha waxay ahayd maxaa Kursaasta Sool iyo Sanaag Muqdisho loo loogu dooran waayey.

Madaxweynaha wuxuu si cad u yiri “su’aashaas kama Jawaabayo”.

Ka jawaabis la’aanta su’aalahan ayaa muujinaysa inaysan ugu yaraan jirin siyaasad Madaxwaynaha uga degsan arrimahan oo ah kuwo muhim ah.

Waxaa Qoray: Amiin Y Khasaaro

Hadalsame Media