DAAWO: Tareen moodal cusub ah oo ay Gothenburg yeelanayso oo la mariyey tijaabadii ugu dambaysey & waxa ku cusub

0

(Gothenburg) 25 Sebt 2020 – Waxaa shalay tijaabooyinkii ugu dambeeya shalay maray moodalka cusub ee tareen-magaaleedka Gothenburg oo ku biiri doona tareennada ka shaqeeya caasimadda 2-aad ee Sweden.

Tareenkan oo magaca modeelkiisu yahay M33 Flexity Göteborg, ayaa dherersan 33 mitir, waxaase ku jira qaar kale oo ka gaaban sida M31 oo gaaraya 30,6 mitir, M32 oo ah 29,5 mitir, waxaa kale oo jira kuwo kale oo dhererkoodu yahay 45 mitir oo laa dalbayo mustaqbalka dhow.

Tareennadan oo tirada guud ee u dalban Shirkadda maamusha Gaadiidka Dadwaynaha Gobolka Västra Götaland ay gaarayaan 40 xabbo, ayaa midkii koowaad magaalada la keenay 6-dii Diseembar 2019-kii, waxaana haatan soconaya tijaabada iyo xitaa barashada muuqaallada ku cusub, isagoo toos u shaqa tegi doona isla dayrtan 2020, marka ay rukhsad siiso Hay’adda Gaadiidka Sweden.

Tareenkan oo leh 80 fadhi (75 dheggan iyo 5 laalaabmaysa) ayaa waxaa lagu dhisay magaalooyinka Bautzen, oo Jarmanka ah iyo Viena oo Austria ah, wuxuuna xabadkiiba ku kacaya 32,5 milyan oo karoon, isagoo leh adeegga WIFI.

Gothenburg ayaa khad tareen lahayd tan iyo 1879-kii, waloow kuwa magaalada ka dhex shaqeeya la bilaabay 60-meeyadii.

 

Hadalsame Media