Israel oo waloow ay Imaaraadka la ”heshiisey” misna Maraykanka ku dirtay (Dayuuradaha F-35 oo loo diiddan yahay & shir dhacay)

0

(Washington, DC) 24 Sebt 2020 – Danjiraa Maraykanka ee Israel, David Friedman, ayaa xaqiijiyey in Imaaraadka oo dhowaan heshiis la galay Israel aanay heli doonin dayuuradaha F-35 ugu yaraan muddo 6-7 sanadood ah.

“Imaaraadku muddo 6-7 sanadood ah ayay isku dayayeen inay gacanta ku dhigaan dayuuradaha F-35. Iminkana in loo daabulo waxay sugi karaan 6-7 sanadood oo kale hadda laga bilaabo,” ayuu ku yiri Jerusalem Post oo ka qaadday waraysi lasii duubay taasoo isku noqonaysa ku dhowaad 15-sanadood.

Washington ayaan weli si cad u ogolaanin inay dayuuradahan sidoodaba ka iibinayso Imaaraadka oo si kasta isugu jilcinaya.

Yeelkeede, wargayskan Israeli-ga ah ayaa werinaya in Imaaraadku ay taa filayeen ugu dambayn markii uu dalkan Khaliijiga ihi heshiiska la galay Israel, isagoo dhabarka ka tuuraya qadiyadda Falastiin.

Ha yeeshee, Talaadadii dorraad ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Israel, Benny Gantz, wuxuu Washington kula kulmay dhiggiisa Mark Esper iyo Taliyaha Sare ee Aqalka Cad, Jared Kushner.

Waxay ka wada hadleen arrinta iibinta dayuuradahan raadaarka ka dhuunta ee F-35 iyo in la ilaaliyo mabda’ sharci u ahaa Maraykanka ilaa 2008-dii oo dhigaya in la dhowro gacan sarraynta istaraatijiga ah ee ay Israel dalalka Carabta ee gobolka uga sarreeyso.

Israel ayaa haatan tusaale ahaan ah dalka qura ee gobolka ku yaalla ee haysa dayuuradaha F-35 oo xitaa loo diidey Turkiga oo ka tirsan NATO, waloow loogu marmarsooday iibsiga gantaalaha Ruush sameega ah ee S-400.

Hadalsame Media