”Khilaaf noo kharash badan!” – Kooxaha ololeeya ee Washington oo ka xoolaystay xasaradda Khaliijka (Imisa ayay markiiba ka qaataan Imaaraadka & Qadar?)

0

(Washington, DC) 19 Sebt 2020 – Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa soo jeediyey in dalalka Carbeed ee Khaliijiga ihi ay dib u heshiiyaan oo ay soo ceshadaan xiriirkii diblomaasiga ahaa.

Balse dalalka oo $100 milyan oo doollar markiiba ku bixinayey kooxaha wax qalqaaliya ee ku sugan Washington DF muddadii 3-da sano ahayd ee ay colka ahaayeen, ayaa u muuqda kuwo uu xasaraddooda dad kale xoolaystey.

Imaaraadka iyo Qadar ayaa lacagahaa ku bixinaya laba ujeeddo oo iska soo horjeedda, midka hore waxay Qadar ku tiimbaraynaysaa inay argagixisada sariir la seexato, halka ay Qadar malaayiin kale ku bixiso inay iibsato kalsoonida iyo dhoollacaddaynta reer Galbeedka.

“Sida cad waa dagaalkii ugu waynaa oo aan ka warqabo, ugu yaraan sanadahan dambe,” ayuu yiri Ben Freeman, Maareeyaha Foreign Influence Transparency Initiative oo la hadlay Middle East Eye.

“Weligay ma arag khilaaf midkan uga faa’iido badan kooxaha ololeeya lobbyists].” ayuu daba dhigay.

Dalalkan ayaa bilaabay inay lacagaha malaayiinta ah ku bambeeyaan khasnaha kooxahan markii ay Juun 2017-kii 4 dal oo kala ah Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn ay go’doomiyeen dalka Qadar oo ay u arkeen mid halis ku ah nidaamyadooda kali taliska ah oo ay lafteedu ku jirto.

Hadalsame Media