Hal mid oo ay Xukuumaddii Farmaajo & Khayrre uga wada fiicnayd xukuumadihii dalka soo maray mudadii burburka (Meesha ay ku barriiqdeen?)

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2020 – Qofka xilka kuu haya ma wax aad qiimaysaa qof ahaantiisa iyo xil gudashadiisa? Mise wax aad la waalataa uun jacaylkiisa iyo nacaybkiisa qabyaaladdu ku galisay?

Farmaajo shan bilood baa u ga hadhay muddo xileeddii loo doortay, sida muuqatana soo noqon maayo oo soomaalidu dhaqanba u ma leh in ay madaxweyne laba jeer doorato. Markaa haddii aad muwaaddin tahay waxaa ku la gudboon in aad miisaanto ninkaasi muddadii uu xilka hayay waxii uu qaranka ka bi’iyay iyo waxii uu u taray. Taasi wax ay ku baraysaa xidhiidhka idinka dhexeeya iyo waxa aad isu tihiin adiga iyo cidda mar walba masiirka qarankaaga matalaysa iyo xulashadeeda, la xisaabtankeeda iyo ku abaalinteeda xumo ama samo.

Aniga aragtidayda Farmaajo wax uu ka mid ahaa dadkii soomaalida soo xukumay kuwii u gu roonaa. Waxa uu ku roonaa waan sheegi wax aan se horta qirayaa in uu yahay nin jilicsan oo go’aannada ka baqa. Sidoo kale wax uu ku dhaliilan yahay in aanu ahayn qof runta la nool ee dhalanteed badan rumaysan, taas oo ay sabab u ahaan karto waaya’aragnimadiisa bulsheed iyo soomaali aqoonnimadiisa oo liita. Si kale haddii loo yidhaahdo ninku waa reer Xamar, reer Xamarkuna waa ay ku liitaan aqoonta dadka iyo dalka. Dad iyo dal aqoon la’aanta haysa ayaa u gu wacan in uu arrimo badan ku wareero dabadeed kudhac u yeelan waayo. Tusaale ahaan dhacdadii Qalbidhagax haddii uu ku dhiirran lahaa aad bay u fududayd, maalin qudha ayaana la gu illaawi lahaa, laakiin markii uu ka baqay ee ka dhuuntay baa la gu karbaashay oo lagu sumcad dilay. Heshiiskii Itoobbiya, gaar ahaan in ay joojisay faragalintii qaawanayd ee ay siyaasadda gudaha Soomaaliya ku haysay, wax ay ahayd guul taariikheed oo uu helay, laakiin siyaasaddiisa u ma uu maalgashan ee isla isaga qudhiisa ayaaba ceeb loo ga dhigay oo la yidhi dalkii buu Itoobbiya ka gaday. Sidaas buu ku yahay qof habrada oo aan xitaa guulihiisa suuqgeyn karin.

Guud ahaan Farmaajo waxyaalo badan oo wanaagsan buu qabtay:

1. Intii aan mucaaradkiisu baalasha ka rifin oo magaca ka xumayn wax uu haystay kalsooni dadweyne oo aad iyo aad u ballaadhan taas oo ay maanta yar tahay in siyaasi Soomaaliyeed helo. Taasi wax ay dawo u noqon karaysay isu soo dhowaynta quluubta bulshada ka la dhaqaaqday ee xaynba meel la gu ootay iyo kalsoonida dadweynuhu madaxda ku qabo ee beri fog dhimatay.

2. Sumcadda Soomaaliya ee dunida aad buu u wanaajiyay, waayo wax ay ahayd markii kowaad ee dunidu aragtay madaxweyne Soomaaliyeed oo aan qabiil iyo jabhad ahayn ee waddaniyad ku shaqaynaya. Dawladihii ay isaga iyo raysalwasaare Khayrre la kulmeen iyo golayaashii caalamka oo dhan wax ay ka muujiyeen waddaniyad iyo in ay danta dalkooda daacad u yihiin, taasina wax ay keentay in la ga haybaysto oo dan Soomaaliyeed uun la ga la hadlo. Madaxdii ka horraysay siyaasaddooda gudaha ee qaybsanaanta iyo ceebta Soomaalida ayaa badanaa muraayad u ahayd tooda debedda. Amaahdii xaddiga badnayd ee Soomaaliya la ga cafiyay waa tusaale.

3. Farmaajo iyo raysalwasaarihiisu ma ahayn niman u soo kabo illaday labada iimaan la’aaneed ee soomaalidu ku halaagsantay: qabyaaladda iyo musuqa. Ma jirto cid ku doodi karta muddadaa xoolihii dawladda la ma xadin, laakiin ma ahayn dhaqan Farmaajo ku shaqeeyo ama isagu ku jiro ee waa wax ku dhacay bahaloobidda hawlwadeennada hoose ee dawladda sidoodaba. Wax ay ahayd markii kowaad ee dad masuuliyiin ah loo xidhay ama shaqada ku waayeen musuqmaasuq, waana markii kowaad ee dunidu yaraysay soo saaridda warbixinno ka hadla iimaan la’aanta soomaalida. Dhanka qabyaaladda waa jiraan dad ku eedeeya muranka ka oogan Jubbalaand in aan Marreexaannimo ka madhnayn, waxaa se xaqiiqo ah Axmed-Madoobe sannadahan dambe in uu astaan u ahaa dabadhilifnimo shisheeye, ku caasiyoobid dawladda dhexe, dhaawicidda midnimada qaranka iyo sii wadista dhaqankii dagaaloognimada iyo maamul kooxeedka.

Saddexdaa qodob baa ku filan in aan Farmaajo u aqoonsado in uu u gu roonaa madaxdii soomaalida. Waa halkaas oo la ga sii ambaqaado guushu.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

FG: Qoraal kasta waxa uu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media