Rag baxsanaya oo la qabtay, kuwa kale oo ay sii kashifeen, war kasoo kordhay qol hoteelka ku yaalla & halka uu marayo kiiska xanuunka badan ee Xamdi

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2020 – Waxaa weli soconaya baarista dhacdadii naxdinta lahayd ee lagu kufsaday sida arxan darrada ahna loo diley Xamdi (AUN).

Waxaa haatan gacanta lagu hayaa 11 qofood oo kasoo bilaabanaya rag iyo haween 2 gaaraya oo ay qaarkood ay taqaanney ay Suuqa Bakaaraha uga soo wadeen inay shaqo uga hayaan hoteelka uu amarku kula dhacay.

Labada gabdhood oo mar si aan nidaamka waafaqsanayn loo sii daayey ayaa lagu soo celiyey saldhigga Booliiska.

NIN BAXSAD AHAA – Waxaa xalay fiidkii isaga oo Baasaboor uu ku boxo samaysanaya lasoo qabtay mid ka mid dhagar qabayaasha, kaasoo isna lagu soo helay mid kale oo uu wacay in yar kaddib markii ay falka gaysteen, kaasoo uu u sheegay in ay “arrintu fashilantay.”

GURI KIRAYSAN & DOORKA HOTEELKA – Warar aanu ka heleyno ilo kiiska ku dhow ayaa Hadalsame u sheegay in qolka gabadha la geeyey uu yahay qol aanay cidina si toos ah u seexan balse u ijaaran hal wiil oo isna lasii wadaaga dhowr wiil oo kale oo kiradiisa la bixiya, kaasoo kaliya loo samaystay in gabdho la keeno ogoli iyo awoodba.

Waxaana halkaa mas’uuliyadda qayb uga yeelanaya maamulka hoteelka oo dabcan ogaa in aan qolka si rigli ah loo seexan habeenkii, qaar ka mid ah raggii ka shaqaynayeyna la hayo sida milkiilihii, kuwa furaha qolalka haya iyo waardiyayaaahii.

Si kastaba baaristu weli waa socotaa dadka xiranina xogo badan ayay bixinayaan waloow ay jiraan saraakiil ciidan oo isku dayaysa inay wax farsameeyaan iyo kuwo kale oo taa diiddan.

Hadalsame Media