HUQ LAGA HABBOON YAHAY: ”Miyaa nin HANAD ah Hargaysa oo dhan laga waayey?!!”

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2020 – “War miyaan nin wanaagsan la idinka helayn?!!”

Cabdimanaan Yuusuf Axmed Maamulaha Guud ee Shirkadda Astaan Cable wuxuu Hargaysa ku xiran yahay ku dhowaad 60 maalmood, waxaa la xiray 17/07/2020, ilaa iyo hadda wax dambi ah oo lagu haysto ma jirto, Nabadsugidda Somaliland oo uu Cabdimanaan u xiran yahayna wax eedeyn ah ama dambi ah oo ay ku haystaan way soo bandhigi waayeen, dhowr mar oo ay maxkamad la tageenna, xeer ilaalinta ay ku soo celisay eedeymihii ay la shir tageen, ka dib markii ay la imaan waayeen caddaymo sax ah.

Qofkii maalin uun noloshiisa xorriyadda laga qaaday ayaa garan kara xanuunka haya Cabdimanaan oo 60 ciho u xiran sifo sharcidarro ah, noloshayda waxaanan marnaba illaabi karin, illaabi dooninna maalin iyo habeen aan si sharcidarro ah ugu xirnaa saldhig ku yaalla magaalada Muqdisho sanadkii 2007, habeenkaas oo aan u bixiyay habeenkii dheeraa, balse dadaal ay sameeyeen qaraabadey iyo saaxiibadey la igu soo daayay.

Iminka waxaan la damqanayaa saaxiibkey Cabdimanaan oo ku xiran magaalo aan magaaladiisa ahayn, ehelkiisii iyo qaraabadiisii midna aysan la joogin, u xiran wax aan la garanayn, ku xiran meel maamul iyo nidaam ka jiro, maxkamaddii la hor geeyayna caddaysay in kiis lagu maxkamadeeyo aan la hor keenin.

Talow yuu u xiran yahay? ma cid ka sarraysa sharciga iyo kala dambaynta Hargaysa ka jirta? Ciddey doonto ha ahaatee, waxaan la hadlayaa waxgaradka Soomaaliland oo aan leeyahay aaway dareenkii bani’aadaminnimo iyo kii damqashada soomaalinnimo ee la idinku yaqaannay?

Ugu dambayntii waxaan idin leeyahay Kelmaddii Nabi Luud (CS) uu ku yiri qoomkiisii markii ay malaa’igtu u soo martisay ee ahayd أليس منكم رجل رشيد “War miyaan nin wanaagsan la idinka helayn?!!”

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Black

Hadalsame Media