“Ardayda ku dhacday Imtixaanka DF Somalia 90% waa Gobolka Banaadir” – Dood ku saabsan sida aysan macquul u ahayn

0

(Muqdisho) 06 Sebt 2020 – Waxaa isoo gaaraya walaaca iyo tabashada dad badan ay ka qabaan natiijadii imtixaankii fasalka 12aad ee maanta faafisay wasaaradda waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah. waxaanna shaki ku jirin in shaqo walba oo la qabto ay leedahay dhaliil iyo boggaadin intaba.

Haddaba sida ay dad badan u liqi waayeen natiijada imtixaanka ee la shaaciyey ayaan la qabaa, anigoo waliba ku dhowaad 25 sano ka shaqeynayay arrimaha waxbarashadda.

Sida ay dhammaan gobollada Soomaalidu isugu key mid u yihiin oo aan u jeclahay iney xaqooda helaan ayaan sidoo kale u jeclahay in ardey walbana uu xaqiisa helo. Mugdi badan ayaa iiga muuqda natiijadan waxaana sababaha ka mid ah.

1 – Sida ka muuqata jaantuska natiijada imtaaxanka waxaa guud ahaan u fariistay 32,727 arday, waxaana haray/dhacay 8,550 arday, taas oo ka dhigan 25.35% celcelis ahaan. Tani waa arrin argagax leh muujineysana fashal muuqda oo ku yimid nidaamka waxbarashada ee dalka marka indho aqooneed lagu eegno .

2 – Dhanka kale jaantusku waxuu ina tusayaa in ardada gobalka Banaadir ka dhacday ay yihiin 7,873 arday taas oo ka dhigan in 90% ardeyda dhacday ay ahaayeen ardeyda hal gobol imataxaanka u gashay. Waana arrin kale oo iga maajisay dad badanna shaki ku abuurtay.

Intaas iyo in ka badan oo la wada fahmi karo in aaney maangal aheyn ayaa natiijada maanta ka muuqatay, waxaana rajeynaya iney ila qabaan indheergarad badan oo muddo dheer waxbarashada kasoo shaqeeyay.

Ugu danbeyn waxaan ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka ah in aan la fududeysan mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo walaaca waalidiinta heysta, sigaar ah waxaan usoo jeedinaya in guddi heer Qaran loo saaro arrintan oo xaqiijin ku sameeya hufnaanta habkii loo qaaday imtixaankan iyo habkii loo saxay intaba.

Waxaa Diyaariyey: Cabdikariin Xuseen Guuleed, Macallin iyo Siyaasi

Hadalsame Media