MW Farmaajo oo fursad lagu helay & shirkii fiidkan dhici lahaa oo fashilmay

0

(Muqdisho) 02 Agoosto 2020 – Wararka Hadalsame Media kasoo gaaraya dhanka Muqdisho ayaa sheegaya inuu fashilmay kulan lagu wadey inuu caawa halkaa ku dhexmaro MW Somalia, Md Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland, kaddib markii ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Warar kale ayaa sheegaya in baaqashada uu sababay Axmed Madoobe oo daqiiqaddii ugu dambeysey lasoo istaagey shuruud ku saabsan in Ciidamada DF laga soo saaro gobolka Gedo, taasoo u muuqata caqabad aan shuqul ku lahayn wixii laga hadlayey oo ahaa moodalka doorashada.

Arrinta ayaa u muuqata xaalad abuurid cusub, waayo waxaa la sheegayaa inay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni xalay oo dhan la joogeen MW Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey, kaasoo ay ka ballan qaadeen inuu caawa furmayo wada hadalkoodu, sida ka muuqatey war ay faafisay Madaxtooyadu.

Yeelkeede, labada nin ayaa xilli dambe oo kulankii la diyaariyey waxay mar aan dheerayn sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeraad ah si ay arrimaha qaar wax iskaga yiraahdaan.

Axmed Madoobe oo muddo 9 sanadood ah Kismaayo fadhiya iyo maamulka Puntland ayaa inta badan qaata go’aamo kasoo horjeeda halka ay markaa umaddu u wada socoto, taasoo ay xitaa aad ugu daaleen dadka waxgaradka ah ee ku dhaqan gobollada ay nimankani xukumaan.

Dhanka kale, MW Farmaajo ayaa tan iyo markii uu meesha ka saaray XF wuxuu taagan yahay boos gorgortankiisu liito, taasoo keenaysa inuu u nuglaado waxyaabo badan oo aan markii hore loola iman jirin, maadaama ay ragga ka faashleeynaya siyaasaddu u arkaan inay fursad ku heleen oo ay ka faa’iidaystaan, iyadoo ay xitaa sawir foolxun muujinayso inay maamulladu koox koox isula socdaan oo DF laga doonayey inay diiddo aragti kasta oo noocaas ah.

Hadalsame Media