KAFTAN: Shan sheeko oo ku saabsan shaxaad doon qorrax-joog ah & shaxiixyo qurba-joog ah

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2020 – Maalmahan qurbajoogta waxaa ka xoola badan dadka dhulkii jooga. Laakiin 90aadkii waxaa dhacay qax iyo barakac aad u baahsan. Kuwa dibedda u qaxay ayaa fursado ay shaqo iyo hanti ku helaan lagu tuhmayey laakiin qaarkood waxay ku noolaayeen nolol adag oo sida la moodayey maahayn. Dadka waddanka joogey waxay wax ka sugayeen kuwaas dibedda jira. Labada dhinac la isuma garaabayn. Dhawrkan sheeko eeg:

1. Taleefannadu waxay ahaayeen kuwa guriga keliya oo kan gacantu ma jirin ama ma badnayn. Mid Yurub jooga ayaa telefoonka ku xirtay mashiin oo ku duubay ‘Waa hebel, hadda ma joogo ee fadlan ii dhaaf wixii farriin ah”. Markuu soo noqday ayuu shiday waxaa ku duubnaa “Waryaa ma inaan codkaagii illaaway baad moodday, soow adiga ila hadlaya maxaad ii dhegeysanayaa!”
2. Mid ayaa safar kaga soo noqday Hargeysa oo Yurub dib ugu laabtay. Waxaa la weydiiyey dadkii dhibbanaa ee aanu wax u wadin wuxuu kala kulmay. Kuye “Waan ka sii tabaabushaystay oo Jigjiga maarkaan marayey ayaan laba go’ sii ibsaday oo miyigii gaari u raacay. Reer miyigii aan u tegey wax yar ayaa ku filnaa. Laba toddobaad anoo joogay oo maryihii igu casaadeen ayaan subuxii dambe anoo go’ hullaaban oo aan dhawr maalmood mayran gaarigii hawdka ka yimi kaga soo degey Hargeysa. Juuqba la iima oran oo reer miyigaa la igu tiriyey”
3. Dadka Soomaaliya ka soo hadla waxay inta badan isku beegi jireen waqtiga aroorta oo qofku guriga joogo. Mid London joogey ayaa yiri taleefankaas aroorta soo dhaca oo aanan wax u hayn ayaa wadnaha iga qabtay. Mid kalaa yiri aniga ima dhibo oo farsamo ayaan sameeyaa, qofka soo hadlayaa wuxuu haystaa saddex daqiiqo, daqiiqadda koowaad waxaan ku dhammeeyaa ‘Haloooow, yaaaa, haloow, waayo, waayo’ magaciisa oo saddexan ayuu ku celcelinayaa, tusaale “Maxamed Xasan Cabdi weeye! Maxamed Xasan Cabdi weeye!” Magaca dhexe ayaa lala baxaa “Haa Xasan walaal ii warran!” Wuxuu leeyahay ” Xasan maaha Xasan maaha, waa Maxamed Xasan Cabdi!’ Markaan iraahdo ‘Haa Maxamed ii warran’ saddexdii daqiiqo waa dhammaatay.
4. Oday Badmaax (Seaman) ah oo soddon sano maqnaa ayaa dhulkii ku noqday. Wuxuu dhibsaday shaxaadka oo ah dhaqan aanu filayn. Markii wax walba ka dhammaadeen oo uu hoosta ka gubanayo ayuu maalin dambe makhaayad isagoo fadhiya la soo baxay kaniini qufaca loo cuno (lozenge). Wiil yar ayaa mooday nacnac oo ku yiri adeer wax iga sii!. Odaygii intuu kor u booday ayuu yiri “Xataa kaniinigii bay kula qadhiidhayaan!”.

5. Gabdho Soomaaliyeed ayaa iskuul ay dhiganayeen London waxay kula saaxiibeen gabar Ciraaqiyad ah. Maalintii dambe ayey ku yiraahdeen “Hooyadaa wax ma u dirtaa?” Waxay tiri maya. Waxay yiraahdeen waxaad tahay qof aan fiicnayn oo annagu bil walba intaas ayaan dirnaa. Maalintii dambe ayaa Ciraaqiyaddii oo ooyaysa u timi gabdhihii oo ku tiri mar dambe ha i waalina dhibka aad ii geysateen ma ogidine. Waxay weydiiyeen waxa dhacay.

Waxay tiri $50 Dollar ayaan u diray hooyaday markaasay subixii ila soo hadashay iyadoo aad u muragaysan oo igu tiri “Hooyo ma lagu furay?” waxaan iri maxaa jira, waxay tiri “Lacagta magacaagaa ku qornaa ee ninkii kaa masuulka ahaa ma kaa tegey!” Carabta ninka ayaa wax walba looga dambeeyaa laakiin qoyska Soomaalidu waa iska federaal oo ninka wax walba inuu ogaado khasab maaha.

Kaftanka marka laga yimaado, in Soomaalidu dadka kaga gobsan tahay wax-is-tarka ayaa xaqiiqo ah.

Waxaa Isku Duwey: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media