DAAWO: Soomaali dhacaysa dukaammadii Soomaalida ee Minneapolis & khasnaddii Dahabshiil oo ay qaateen

0

(Minneapolis, MIN) 28 Agoosto 2020 – Waxaa la sheegayaa in xilli dambe dhac loo gaystey Suuq wayn oo kasoo horjeeda Masjidul Abuubakar ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Mall-kan ayaa ku teedsan waddooyinka 28th iyo 13th Ave ayaa xalay 2: 00am xilligga maxalliga ah ee Minnesotala jabsaday.

Waxaa suuqan oo ay dadka ku ganacsadaa Soomaali u badan yihiin u dhacay dhallinyaro ay Soomaali ku jirto, wararka qaarna ayba sheegayaan inay iyagu u horreeyeen, sida muuqaalka laga arki karana waxay markii dambe qaateen khasnaddii lacagta ee laan ka tirsan Xawaaladda Dahabshiil.

Waxay kaloo u dheceen oo farataysteen ganacsiyo dhowr ah oo suuqan ku dhex yaalley.

Booliiska ayaa lagu warramayaa inay aad usoo daaheen, iyadoo taa lafteedu la yaab dhalisay maadaama uu dawan-danabeed (alarm) meesha ku xirnaa uu qayliyey.

Halkan hoose ka daawo….

CEEB: Soomaali dhacaysa dukaamadii Soomaalida ee Minneapolis & khasnaddii Dahabshiil oo ay qaateen.

Posted by Maxamed Xaaji on Friday, August 28, 2020

 

Hadalsame Media