DAAWO: Ciidamada Ruushka oo si toos ah u cayrsanaya kuwa Maraykanka (Afar askari oo laga dhaawacay & cidda dulmiga bilowday)

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2020 – Afar ka mid ah askarta Maraykanka ayaa todobaadkan ku dhaawacantay woqooyi bari Suuriya kaddib markii ay Ciidamada Ruushku inta baacsadeen gaari kale oo gaashaaman ku qaadeen oo ku dhufteen, iyagoo weliba sii baacsaday markii ay ku dheceen kaddib.

Afarta askari ayaa laga helay wax u eg astaamaha maskax-ruxanka (concussion) kaddib shilka, sida uu qoray Politico oo arrintan faafiyey, isagoo oo xogta ka helaya Pentagon.

Waxaa soo baxay muuqaallo dhowr ah oo qaarkood shalay lagu baahiyey Twitter-ka, taasoo ay ka muuqato gawaari badan oo uu Ruushku leeyahay oo waabsanaya askarta Maraykanka ah oo markii hore iyagu daandaansiga bilaabay kaddib markii ay isku dayeen inay jidka ka xiraan askarta Ruushka.

Muuqaalka ayaa muujinaya gawaarida Ruushka oo ah nooca Kamaz Typhoon uu midkood kas ugu dhacay kuwa Maraykanka midkood oo ah nooca MaxxPro.

Waxaa kale oo muuqaalka laga arkayaa dayuurad qumaati u duusha oo ay Ruushanku leeyihiin oo dul haadaysa wax u eg tartan gawaari.

Ciidamada Maraykanka oo uu Donald Trump si halhaleel ah Suuriya uga saaray ayaa waxaa weli ka jooga ciidan dhan 500 oo askari, iyada oo ay Bentagon-ku aad uga xumaadeen arrintan cusub.

Waxaa jirey shilal hore.

Halkan ka arag dayuurad halakabtar ah oo si kas ah bus ugu kicinaysa gaari ay wataan Ciidamada Maraykanku.

Hadalsame Media