Somaliland ma dulmi ayay ka go’day mise dulmi ayay u go’day? (Bal umuurtan eega)

0

(Hargaysa) 08 Agoosto 2020 – Somaliland ma dulmi ayay ka go’day mise dulmi ayay u go’day.

Somaliland, waa maamul 1991-kii sheegay in uu ka go’ay Somalia inteeda kale, kaasoo tiiyoo aanu ilaa maanta jirin dal aqoonsan, misna la wada qiri karo inay leeyihiin wax nidaam u qaab eg oo ay beryo ku caana maaleen, taasoo waloow aan wax badan laga qaban tayaynta nolosha dadwaynaha misna gayaysiisey inay nabad nisbi ah ku daaqaan, marka loo eego Somalia inteeda kale.

Somaliland waxaa doodeeda siyaasadeed ee u qiil samaynta go’itaanka asaas u ah in “dulmi loo geystey”.

Ninkan idiin muuqdaa waa Cabdimannaan Yuusuf, milkiilaha Astaan TV oo ku xanuunsaday xabsi uu dulmi ugu xiran yahay todobaadkii 3-aad kaddib markii ay ka dhamaadeen dawooyin uu qaadan jirey, sida la sheegayo.

Haa, waa dulmi maadaama aan la sheegin sababta uu u xabbisan yahay, waxaa horay halkaa u joogey nin la sheegay inuu malaayiin kala baxsaday dad uu lacago ka qaaday, kaasoo la sheegay in uu qarinayo Wasiir Gudeedka maamulkaasi.

Waxaa dheer gabar ku xiran jeelka Hargaysa Marwo Deggan Miiraasha oo iyada lagu haysto maradii ay sariirteeda ku goglatey. Waxaa kasii horreeysey xiritaanka laba TV oo uu mid ahaa Universal oo loo xirey waxay “baahin waayeen” khudbadda Madaxwaynaha, sidii taayoo uu maamulku TV-ga iska leeyahay.

Cabdimaalik Coldoon oo beri dhowayd lasii daayey wuxuu sheegay inuu xabsiga kusoo arkay dad badan oo dulmi u xiran oo qaarkood laguba illaawey, tiiyoo aan la marin hab garsoor gebi ahaanba.

Ha yeeshee, dorraad baa ugu dambeysey oo MW Muuse Biixi baa Shiinays u tegey ugu faanayey in “dimoqraadiyadda looga daydo Somaliland” oo sida ay isaga la tahay “gobolkaba tusaale u ah”.

Dimoqraadiyaddu sidan ma aha. Dhaqamada noocan ihina waxay si wayn u baabi’inayaan sumcadda maamulka halkaa ka jira, shacabkuna eedda 1-aad malaha, balse waa inaysan ogolaan, raalli ka noqon oo ka aamusin dulmi ay arkayaan.

Xusuusnow, in waxa koonfuri u holacdey ay qayb ka tahay dulmi ay in yari sameeyeen, balse ay inta badani ka aamuseen.

Haddaba, dadka waxgaradka ah ee aadka uga badan inta wax ma garadka ah waxaa maanta qoorta u suran qool bir ah oo ay ku qoran tahay “Somaliland ma dulmi ayay ka go’day mise dulmi ayay u go’day?”

Si aanu dhib kaaga soo gaarin dulmi kale, iska diid in magacaaga cidna lagu dulmiyo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media