Dayuuradda Kenya Airways oo hakisay duullimaadyadii ay ku iman jirtey Muqdisho (DF Somalia oo damacsan arrin kale)

0

(Nairobi) 07 Agoosto 2020 – Sharikadda Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakinayso duullimaadkii ay dayuuradeedu ku tegi jirtey magaalada Muqdisho.

Kenya Airways ayaa hakinteeda u cuskatay caabuq sidaha Covid-19, tiiyoo ay jirto inay Kenya hadda kaba kiisas badan tahay Somalia.

Warqaadka Citizen ee dalka Kenya ayaa faafiyey in Kenya Airways ay hakinayso duullimaadyadii ay ku tegi jirtey Muqdisho, Khartoum, Djibouti, Luanda, Bamako, Brazzaville, Blantyre & Maputo durayga Covid-19 dartii.

Dalka Tanzania oo ay horay sidan oo kale ugu soo rogtey ayaa arrintaa ka dhiidhiyey wuxuuna gebi ahaanba shatiyadii ka xayuubiyey sharikadda Kenya Airways oo aan haatan tegi kari doonin dalkaasi, ilaa arrintan laga xallinayo.

Tanzania ayaa ka carootey in ay Kenya ka reebtay dalalka ay dadkoodu u dhoofi karaan Kenya.

Yeelkeede, DF Somalia oo ay golaha wasiirrada ee xil-gaarsiintu beryahan go’aamo badan soo saarayaan ayaa la hadal hayaa inay fasixi rabaan Jaadka Kenya, jeer aysan Kenya xitaa ogolayn in ay dadka Soomaalidu u duulaan, taasoo meel ka dhac ku ah danta iyo qabka Somalia.

Hadalsame Media