Sawirro & muuqaallo hor leh oo kasoo baxaya qaraxa dekedda Bayruut oo hadda dambas noqotay + sababta qaraxa (Dowladda Israel oo….)

0

(Bayruut) 04 Agoosto 2020 – Waxaa dhacay laba qarax aan dhigaal lahayn oo aan kan dambe noociisa la arag sanadihii dambe kaasoo intii aan jugtiisa si buuxda loo maqal moowjado sii sameeyey ayaa 6-dii fiidnimo ku dhuftay dekedda Bayruut.

Lama tirin karo dhimashada oo inta hadda la ogyahay ay ka badan yihiin inta aan wacaalkooda la haynin, iyadoo sawirka laga arkayo gawaari mareeysey jid u dhow dekedda oo ay duufaan sunaami oo kale ihi qaadayso marka uu dhoco qaraxa 2-aad. Dhimashada hadda la xaqiijiyey tiro ahaan waa 70 halka ay dhaawacmeen dad ka badan 3700 oo qofood.

Qaraxan ayaa sal gooyey dhismayaal badan oo agagaarka ka dhowaa, isagoo daadiyey daaqadaha dhismayaal aad uga fog barta qaraxa oo ay qaarkood ilaa 20 km ja badan u jiraan xudunta qaraxa, iyadoo qaraxan oo laga maqlay dhul jira masaafo 200 km ka badan uu Wasiirka Caafimaadka dalka Lubnaan, Hamad Hassan, uu ku tilmaamay shil ka dhashay bulalayr.

Madaxa hay’adda Laanqayrta Cas ee dalkaasi ayaa sheegay in dad ka badan mugga isbitaallada haatan lala tacaalayo, halka ay qaar kale weli ku hoos jiraan dhismayaasha dunsan, waxaana aad loogu baahan yahay dhiig deeq ah.

Warka uu sheegay Wasiirka Caafimaadka oo ahaa in uu qarxay markab sidey bulalayr ayaan isa soo tarin, iyadoo ay Dowladda Israel si hal haleel ah u beenisey inay iyadu ka dambayso qaraxan, maadaama ay horay Xisbollaah ugu eedeeynaysey inay hub kala degaan dekeddan la qarxiyey.

Ilaa hadda dalka Qadar ayaa gurmadkii ugu horreeyey oo ah isbitaallada guur guura u diraya magaalada Bayruud.

Hadalsame Media