Nin Sucuudiyaan ah oo Israel ugu ”duceeyey” inay ”dhulkooda ka xorreeystaan Falastiiniyiinta kusoo duuley!” (Daawo dunidan yaabka leh)

0

(Riyaad) 04 Agoosto 2020 – Nin Sucuudiyaan ah oo muuqaal uu Axaddii soo duubay ku sheegay inuu dirayo hambalyo ku aaddan Ciidul Adxada Islaamka ayaa lasoo istaagey arrin aad loola yaabay.

Ninkan ayaa Yuhuudda ugu duceeyey wax uu ku sheegay in ”Ilaahay dhulkooda uga xoreeyo Falastiiniyiinta ka timid meelaha fog” kuwaas oo uu xitaa sheegay inaysan Carab ahayn lana aqoonin waxa ay yihiin.

Ninkan ayaa sheegay in shacbiga Israel ay hambalyo ciideed u direen guud ahaan Carabta, Muslimiinta iyo gaar ahaan Sucuudiga, taasoo uu ku sheegay inay tahay ”akhlaaq” ay dheer yihiin Falastiiniyiinta oo uu sheegay inay Israel ka takhalusi doonto dhulka ay ka haystaan, isagoo Israel u sawiraya inay dhibbanayaal yihiin.

Wuxuu sheegay inay ”akhlaaq xun yihiin” Falastiiniyiintu sida ay ku leeyihiin haween, carruur, dhallinyaro iyo cirroole, kuwaasoo uu sheegay inay si guud u caayaan Muslimiinta iyo Carabta oo daba-dhilifnimo ku eedeeyaan.

”Taasi waxay muujinaysaa inaysan Carab ahayn, qaddiyadna lahayn, ee Ilaahay dhulkiinna ha idiinkaga xoreeyo dadkan meelaha fog kasoo hayaamay!” ayuu ku ”duceeyey”, ninkan oo markaa kaddib aflagaaddo aynaan qori doonin u hal haleeyey Falastiiniyiinta.

Sucuudiga oo aanay ka jirin saxaafad xor ah ayaa la dareensan yahay in aragtidan oo kale ay wax ka ogaan karto Boqortooyada dalkaa maamusha oo tan iyo imaanshihii Donald Trump usii dhowaanaysey Israel, isla markaana qayb ka ah wax lagu sheegay ”Heshiiska Qarniga” oo lagu duudsiinayo qadiyadda Falastiin.

Dowladda Sucuudiga ayaa xitaa lagu eedeeyey inay bilowday istaraatijiyado dadban oo lagu bedelayo ra’yul caamka shacabku ka haystaan qaddiyaddan, iyadoo Ramadaankii lasoo daayey musalsallo noocaas u shaqaynaya oo lagu qurxinayo Israel, isla markaana wax aan Sucuudiga muhim u ahayn looga soo qaadayo arrinta shacabka dulman ee Falastiin.

Halkan ka daawo….

Hadalsame Media