Somalia oo ka faa’iidaysan la’ fursad ay haysato (Dunida oo la yaabban)

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin oo aalaaba fikirkiisa ka dhiibta umuuraha gobolka guud ahaan gaar ahaan Somalia, ayaa ka hadlay arrin ay Somalia uga duwan tahay caalamka oo idil.

Somalia ayaa sida la ogyahay waxay qalaanqal siyaasadeed oo maalinba qar ku dhacaya wajahaysey tan iyo maalintii ay xorriyadeedu 7-jirka ahayd, goortaasoo la khaarajiyey madaxwayneheedii 2-aad kaddibna ay xukunkii boobeen saraakiil uu ka mid ahaa Siyaad Barre.

Faarax Macallin ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray war u dhacaya sidatan:

”Ku dhowaad dhamaan dalalka la hardamaya inay qaramo isku nooc ah noqdaan waa dalal kala nooc ah inta badan dhaqan ahaan, sinji ahaan iyo diin ahaanba,” ayuu yiri.

”Somalia waa dalka qura ee ah qaran hal qoys ah balse kari kari inuu dowlad noqdo. Sabab?” ayuu is waydiiyey.

Waana run oo dunida kama jiro dal midowga iyo qaran noqoshada ugu dhibban sida Somalia, misna wadaaga inta ay Soomaalidu wadaagto, iyadoo aan mararka qaar la fahmi waxa micne leh ee la isku hayo.

Hadalsame Media