Turkiga oo lagu eedeeyey arrin laba WEJIILENIMO ah (Mawaaqif is diiddan oo uu qaatay)

0

(Ankara) 27 Luulyo 2020 – Turkey ayaa lagu eedeeyey inuu musaafuriyo dadka loo yaqaan Uighur oo ah dad Muslim ah oo uu isaga oo marsiinaya dal 3-aad dib ugu celiyo Shiinaha, gaar ahaan gobolka galbeedka Shiinaha ee Xinjiang, halkaasoo boqollaal kun lagu hayo xeryo lagu misaaley kuwii Hitler.

Dadka Uighur oo u warramay warqaadka UK kasoo baxa ee Sunday Telegraph ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in dad ehelkooda ah loo celiyey Shiinaha iyada oo la marsiinayo dalka Tajikistan.

Tusaale, ehelada Almuzi Kuwanhan, oo ah hooyo 59-jir ah oo 2 carruura leh isla markaana u baxsatay dalka Turkey, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in loo celiyey China.

Qaraabadeeda iyo qoyskeeda ayaa Sunday Telegraph u sheegay in Kuwanhan lagu xirey meel dadka laga musafuriyo oo ku taalla Izmir kahor intaan loo qaadin Tajikistan, oo ah dal aanay la lahayn wax xiriir ah.

Turkey ayaa taariikhiyan meel ay ku baxsadaan u ah dadka Uighurs, oo ah dad laftoodu Turkic ah oo laga tiro badan yahay, kuwaasoo kasoo baxsanaya ciqaabta Shiinaha oo ku socota tan iyo 1960-meeyadii.

Dadka la celinayo ayaa wajahaya xaalad halis ah iyo tacaddiyo uga yimaada dowladda Shuuciga ah ee Shiinaha oo ku dadaalaysa inay abuurto hayb qaran oo hal nooc ah. Waxaana dadkan lagu dayaa in maskaxda laga dhaqo oo lagu khasbo mabaadii’da mulxidnimada xambaarsan ama ku dhisan ee Hantiwadaagga.

Waloow ay Ankara cambaareeysay dhaqanka Beijing ee dadkan Uighurs, misna Turkey kama mid ahayn 22 dal oo ku baaqay in baaris rasmi ah lagu sameeyo tacaddiyada ay Shiinuhu dadkan ku hayaan ee dhanka xuquuqda aadmiga, kuwaasoo baaqa marsiiyey Hay’adda QM arrintaa ugu qaybsan.

Sanaddii 2019-kii, Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay inuu “si qoto dheer uga walaacsan yahay” cadibaadda ay Shiinuhu ku hayaan dadka Uighur oo ah Muslimiin ku badan Xinjiang.

Hadalsame Media