GANTAALKII NIINJAHA: Maraykanka oo gantaal ”SEEFO” tuuraya oo uu shacabkiisa ka qarinayo u adeegsadey dalka Suuriya & sida uu u shaqeeyo (Daawo)

0

(Washington) 22 Luulyo 2020 – Hub qarsoodi ah oo lagu naanays midida duulaysa ama “flying ginsu,” ama Gantaalka Niinjaha, ayaa la sheegayaa in dorraad uu Maraykanku u adeegsadey weerar ka dhacay meel u dhow Azaz, oo ah woqooyiga Syria.

Gobolkan ayaa waxaa la sheegay inay ka howlgalaan kooxo xiriir la leh ISIS ama al-Qaacida, waxaana la sheegay in weerarka gantaalkan ay weli wacaalkiisa qarinayaan CIA iyo Bentagon-ku lala eegtay.

Gaariga weerarkan lala eegtay ayaa lagu eegay mid cad wuxuuna ka dhacay agagaarka Ikhtaimlat. Waa jid 25 KM u jira magaalo xadka Turkiga ku taalla oo Kilis la yiraahdo.

Gantaalka la adeegsadey waa R9-X oo la xajmi ah midka Hellfire oo uu dhererkiisu yahay 1.6 mitir, ama celceliska qof caadi ah, balse ma qarxayo marka uu meel ku dhaco, taa biddaalkeeda waxaa kasoo duulaya 6 seefood oo ku dhacaya bartilmaameedka loo wado oo ay jarjarayaan, iyaga oo aan dhib badan u gaysanin hareeraha, maadaama loo naqshadeeyey in lagu dilo qof ama laba gaari saaran.

Ninka weerarkan lagu diley ayaa lagu sheegay Shuja’a Muhammad, oo dhashay 1987-kii. Gantaalkan “ninjaha” oo ay ilo ciidan dadwaynaha u dusiyeen bishii Maajo ee sanadii tegey, isla markaana laga gani karo maxaddooyin badan sida daroonka, ayaa la sheegayaa in ilaa iminka la adeegsadey nus-dersin jeer, waxaana laga sheegay taariikhaha Luulyo 18, Juun 20 iyo Juun 15.

Hadalsame Media