”Imaaraadku waa BURCAD-BADEED!” – Erdogan oo weeraray arrin ay Masar & Imaaraadku ka wadaan Libya

0

(Ankara) 19 Luulyo 2020 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa Masar iyo Imaaraadka ku eedeeyey inay qaadayaan “tillaabooyin sharci darro ah” oo ay ka wadaan Libya, sida uu sheegayo.

Erdogan ayaa sheegay in Turkey “uu sii wadayo mas’uuliyaddii uu ka qaaday Libya” isla markaana aanu dalkaa uga tegi doonin “inay kaligood wajahaan dulmiga ciidan ee lagu hayo.”

MW Turkiga ayaa dhaliilay doorka ay Masar iyo Imaaraadku ku taageerayaan hoggaanka LNA ee Jeneraal Khalifa Haftar, isagoo yiri: “Waxay bixinayaan taageero sharci darro ah. Dhanka kale, Abuu Dabeey waxay geleeysaa dembiyo burcad badeed, iyada oo hub iyo lacag u direeysa Xaftar…. Halka ay iyagu la jiraan dowladda sharciga ah.”

Erdogan ayaa sheegay inay hadda wadaan heshiis cusub oo daba socda midkii Skhirat Agreement, kaasoo aanu qayb ka ahayn jeneraalka fallaagoobey ee ay taageeraan Masar iyo Imaaraadka oo iyaguna arrintaa diiddan.

Hadalsame Media