Dayuuradaha Hindiya oo dul haadey dooxadii ay Isniintii hore Shiinaha isku laayeen + Sawirro

0

(Leh) 24 Juun 2020 – Dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee Hindiya ayaa gurxankooda laga maqlay dusha buuraleeyda silsiladda ah ee Himalaya, wax lagu fasiray muruq muujin ku fooggan Shiinaha oo Hindiya ku eedeeyey inay daandaansi ka waddo xadka labada dal, halkaasoo lagu laayey askar Hindi ah oo ilaa 20 gaaraysa markii la isku qabtay Dooxada Galwan 15-kii bishan oo ah Isniintii tagtay.

Dayuuradaha Hindiya ayaa ka duulay saldhig cireedka Leh, oo ah magaalada ugu wayn gobolka Ladakh ee ay Hindiya maamusho, waxayna u duuleen dhanka xadka buuraleeyda ah oo u jira 240km (150 mayl).

Waxaa sidoo kale halkaa ka socda isbaarooyin jidadka ka baxa Leh lagu gooyey maadaama ay halkaa ka socdaan howlo millateri, iyadoo ay magaaladani ku taallo dhul 3,500 mitir (11,500 cagood) ka sarreeya moolka badda.

Waxaa halkaa laga soo sheegayaa layman dhaadheer oo ay ku jiraan gaadiidka Hindiya ee qaadaya jidadka u dhow magaalada Leh.

“Haatan waxaan xoojinnay ciidankeenna halkan jooga,” ayuu sarkaal is qariyey oo ka tirsan Taliska Woqooyi wuxuu u sheegay AFP.

Tashi Chhepal, oo ah kabtan howlgab ah oo ka tirsanaan jirey Ciidanka Lugta Hindiya ayaa sheegay in ciidanka ay Hindiya halkaa geysey uu yahay mid aan horay loo arag, tiiyoo ay jirto xasaasiyadda ka jirta Kashmiirta la isku hayo oo xiriirisa Hindiya, Pakistan iyo China.

An Indian army convoy moves along Srinagar-Leh national highway Monday at Gagangeer, in east Kashmir’s Ganderbal district.

Hadalsame Media