Fanaanadda Hodan Cabdiraxmaan oo ka jawaabtey been abuur laga sameeyey (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 17 Juun 2020 – Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey xog sheegaysa inay fankii gebi ahaanba iskaga baxday fanaanadda caanka ah ee Hodan Cabdiraxmaan oo ka mid ah fanaaniinta ku dhaqan dalkaasi Maraykanka.

Waxaa sababta fan ka bixiddeeda loo cuskaday inay tiri ”waxaan ahay marwo la qabo isla markaana carruur korsanaysa oo doonaysa inay iyaga diiradda saarto.”

Yeelkeede, Hodan Cabdiraxmaan ayaa waxaa la xiriirey Hadalsame Media oo arrintaa wax ka waydiiyey, waxayna ku tilmaantay war aan sal iyo raad toona lahayn.

”Waa dad aniga igu maaga baraha bulshada oo markasta isku daya inay si khalad ah iiga war bixiyaan, balse sida kale ma jiro fan aan ka baxay iminka.” ayay Hodan u sheegtay Hadalsame Media.

Hadalsame Media