NATIIJO LID AH: DF oo isku KASHIFTAY dibedbixii ay shalay ku qabatay magaalada Muqdisho! (Daawo)

0

(Hadalsame) 08 Juun 2020 – Waxaa dunida oo idil kala xirey durayga dilaaga ah ee Covid-19, kaasoo ku dhuftay dalal ay Somalia ka tirsan tahay.

Dowladaha caalamka oo ay midda Somalia ku jirto ayaana xayiraado soo rogey, iyadoo ay tusaale ahaan xiran yihiin iskuulladii iyo jaamacadihii dalka.

Waxaa sidoo kale xayiran duullimaadyadii caalamiga ahaa iyo kuwii maxalliga ahaa, iyada oo waxaas oo dhan loo sameeyey xakamaynta cudurka karoonaha.

Yeelkeede, waxaa shalay magaalada Muqdisho ka dhacay dibedbax ay agaasintey DF Somalia, kaasoo lagu soo dumay dadwayne fara badan, waana arrin kasoo horjeedda tan hore ee aannu soo sheegnay.

”Haddiiba intan oo qofi isu soo bixi karto maxay tahay sababta ay u xiran tahay waxbarashadu ama qof bandow lasoo rogey dartii loogu diley?” ayuu is waydiiyey wiil magaciisa kusoo koobay Ismaaciil oo la hadlay Hadalsame.

”DF ma dhihi karto Covid-19 dartii ayaan doorashada 2021 dib u dhigaynaa.” ayuu lasoo boodey mid kale oo ay halkaa uga dhegganayd.

Si kastaba, dibedbaxa ay DF qabanqaabisay ayaan xitaa micne u samaynayn dhanka ay uga dan leedahay oo ah inay muujiso in la taageersan yahay, maadaama aysan dadku waxba si toos ah u dooranayn hadda.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media