Booliis & burcad Koonfur Afrikaan ah oo waxyeello u gaystey rag Soomaaliyeed (Geeri dhacday)

0

(Pritoria) 03 Juun 2020 – Nin Soomaali ah oo magaciisa laga hayo Maxamed ayaa la sheegayaa inuu u dhintay jugo ay u gaysteen Booliiska dalka Koonfurta.

Ninkan oo maalmihii yaraa ee tegey yaalley isbitaal ku yaalla halkaasi, ayaa la sheegay in sababta dhan ee ay Booliisku u jirdileen ay tahay inuu jebiyey bandowga saaran dalkaasi ee  loosoo rogey durayga Coronavirus dartii.

Ninkan oo ku noolaa magaalada Pritoria, ayaa sidoo kale ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladaas, kaaga darane xiligii la jir dilayay laftiisa waxa uu ku dhex jirey goobtiisa Ganacsi.

Shil kale, koox burcad ah oo dalkaa Koonfur Afrika u dhalatay ayaa lagu warrmayaa inay dhaawac gaarsiiyeen muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada Cape Town, waloow uu caafimaad ahana iminka kasoo raynayo.

Ninka la dhaawacay oo ay ehelkiisu ku sheegeen in la yiraahdo Ismaaciil Axmed, ayaa ku biiraya dhacdooyin fara badan oo soo gaara ajaaniibta, gaar ahaan Soomaalida, iyada oo Booliiska lagu eedeeyo inaysan wax ka qaban burcadda dalkaasi, amaba ay iyagu qayb ka yihiin ama wax ka ogyihiin falalkooda.

Hadalsame Media