Markab shaqo naadir ah qabta oo uu Turkigu sameeyey oo ay dunidu aad u dalbanayso (Muxuu qabtaa?)

0

(Ankara) 22 Maajo 2020 – Baahida loo qabo korontada ay bixiyaan waxa loo yaqaanno wershadaha koronto ee sabbaynaya oo maraakiib saaran ayaa aad u korortay xilligan karoonaha (Covid-19).

Maraakiibta noocan ah oo ay leedahay shirkadda Turkiga ah ee Karadeniz Holding – oo ah midda qura ee dunida haysata raxan maraakiib ah oo noocan ah – ayaa laba markab koronto dhaliye oo uu midkiiba soo saari karo 400 megawatt ay u diraan dal Afrikaan ah iyo mid ku yaalla Bariga Dhexe, halka ay dalal kale soo dalbanayaan.

Zeynep Harezi, oo ah Agaasimaha Karpowership Trade Group oo shirkaddaa hoos tagta, ayaa wakaaladda Anadolu Agency (AA) u sheegtay in waloow ay dhib ku muteen daabulidda shaqaalaha xilliga karoonaha aanay misna yaraanin dalabaadka ku aaddan adeeggoodan naadirka ah, iyadoo sheegtay inay Gambia kula heshiiyeen inay u diraan markab sabbaynaya oo soo saari kara 36-megawatt.

Waxay kaloo sheegtay inay 400-megawatt ka iibinayaan laba dal oo mid Afrikaan yahay midna Bariga Dhexe, halka dal ku yaalla Laatiin Ameerika uu soo dalbaday 120-megawatt, iyadoo tilmaantay inay guud ahaan soo saari karaan 4,100-megawatt oo ay kala siinayaan 10 dal oo ka tirsan Aasiya, Afrika iyo Laatiin Ameerika.

Wershadaha sabbaynaya ee noocan ah oo aad u anfacaya dalalka ku taalla dhanka kaabayaasha korontada, isla markaana gaas laga dhaliyo si degaanka loo ilaaliyo ayaa si sahal ah lagu isticmaali karaa.

Karadeniz Holding, oo ah shirkaddii ugu horreeysey ee dhistay kuna shaqaysata maraakiibta noocan ah adduunka oo dhan, ayaa waxay leedahay 19 markab oo kala jooga 11 dal oo ay ka mid yihiin Indonesia, Lubnaan, Mozambique, Ghana, Gambia, Senegal iyo Cuba.

Hadalsame Media