DAAWO: ”Annagu dhagxaan kuma gabbanno!” – Puntland oo u qanjiirisey DF Somalia kana hadashay sida uu u dhacay qaraxii lagu diley Guddoonkii Mudug

0

(Gaalkacyo) 17 Maajo 2020 – Waxaa qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan aaga Xarunta Maamulka Gobolka Mudug qaybta Puntland, ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waxaana dadkii ku dhintay ka mid ahaa Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-Yarre.

Haddaba, Wassiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo BBC-da uga warramay halka uu qaraxa ka dhacaday iyo sida ay wac u dheceen ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay xilli uu guddoomiyuhu bannaanka uga soo baxayey xafiiskiisa, waxaana gaaro NOAH ah lagu dhuftay markii uu gaarigiisu dibedda usoo wada baxay, waxaana ku wada dhintay Guddoonka iyo dadkii gaariga la saarnaa oo dhan.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay hubin in gaariga is miidaamiyey uu hal qof saarnaa iyo in kale, balse dadka ay ogyihiin inay dhinteen ay haatan 5 qof dhan yihiin, halka ay dad kale dhaawac yihiin, waloow uu sheegay inaysan wada hubin inay meelo kale dhaawacyadu tegi karaan maadaama ay goobtu ahayd meel buuq badan.

Weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al Shabaab oo sidoo kale horay Garoowe ugu dishey Guddoonkii Gobolka Nugaal kaasoo dhacay 49 cisho kahor.

Wasiir Dhabancad ayaa weerar aan ujeedkiisa la fahmin ku qaaday Madaxda DF Somalia, isagoo sheegay inaysan la mid ahayn ”meelo Somalia ka mid ah oo ay madaxda sare dhagaxyo gadaasheed ku jiraan”.

 

Hadalsame Media