Laba darawal oo iyaga oo jidka isku feeraya uu sii dardaray gaari jidka maraya + Sawirro

0

(Woodburn) 12 Maajo 2020 – Laba darawal ayaa sida la sheegay waxay iyaga oo jidka ku dagaallamaya xilli ay laba gaari kala wataan waxay hoosta ka galeen oo dardaray gaari wayn oo jidka marayey.

Labada nin ayaa isla goobta ku dhintay, wuxuuna shilkani ka dhacay Pacific Highway, oo 5km koofur kaga beegan Woodburn oo ah woqooyiga New South Wales, Australia.

Daily Mail Australia ayaa fahamsan in labada nin – oo kala watey gaari ah SUV iyadoo ay saaxiibtii la socoto iyo tareel is jiid ah (B-double) oo sida geed-looxyo lasoo jaray – ay gawaarida ka degeen kaddibna ay isku qabsadeen jidka wayn dhiniciisa.

Yeelkeede, labada nin oo is haysta ayaa waxaa sii dardaray qof kale oo ku joogey jidka wayn.

Hadalsame Media