”Halla daldalo!” – Booliiska Milano oo baaritaan ku bilaabay hanjabaado dil ah oo ku socda Silvia Romano

0

(Milano) 12 Maajo 2020 – Nin ka tirsan Golaha Degaanka Asolo (Treviso), Nico Basso, oo ka tirsan kooxda cunsuriga ah ee “Verso il futuro” ama “xagga mustaqbalka”, horayna uga tirsanaa xubnaha magaalada Treviso ku metela Xisbiga midigta ah ee Lega Nord, ayaa soo qoray “halla daldalo”.

Ninkan ayaa markiiba tiray farriintan oo uu soo dhigay Facebook, iyada oo ay wehliyaan aflagaaddooyin iyo farriimo nacayb ah oo ka dhan ah Silvia Romano, oo 18 bilood lagu haystey Somalia, taasoo sheegtay inay Islaamtay.

Booliiska Milano ayaa iminka kiiskan hanjabaadda ah baaritaan rasmi ah ku bilaabay, sida uu sheegay Madaxa qaybta la dagaallanka argagixisada Albero Nobili.

Silvia Romano, oo 20-kii Nofeembar 2018-kii laga afduubtay Kenya, ayaa dalkeeda ka wajahaysa olole nacayb ah oo ka dhashay sheegisteeda inay qaadatay diinta Islaamka, kaasoo kaga imanaya dadka muxaafidka ah iyo kooxaha midigta fog u janjeera ee aad ugu dheereeya midab takoorka iyo sinji quursiga.

Kaddib fariimo aflagaaddo ah oo la marinayey baraha bulshada, waxaa sidoo kale la sheegay in warqad hanjabaad ah laga helay meel u dhow guriga gabadha.

Booliiska Milano oo ah meesha ay ku nooshahay Silvia ayaa iminka bilaabay inay si gaar ah u ilaaliyaan xaafadda Casoretto oo ay Milano ka deggan tahay, iyada oo gawaarida hor mareeysa dhismayaasha xaafaddaas la faray inay tartiib u socdaan marka ay hor marayaan halka ay joogto iyo agagaarka, sida uu sheegay Nobili.

Hadalsame Media