”Waxaan qaatay diinta Islaamka!” – Silvia Romano oo markii ugu horreeysey hadashay (Hal arrin oo lala yaabban yahay!)

0

(Milano) 11 Maajo 2020 – Waxaa shalay soo guryo noqotay Silvia Romano oo 18 bilood kahor laga soo qafaashay dalka Kenya, iyadoo u shaqaynaysey hay’adda samafal ee Africa Milele, 20-kii Nofeembar 2018 iyadoo ku sugnayd tuulo faqri ah oo Chacama ah oo jirta dhanka gobolka Xeebta.

Silvia ayaa sheegtay in muddadii la heystey markasta si ”wanaagsan loola dhaqmayey”, iyadoo ka hadashay arrinta ku saabsan inay qaadatay Diinta Islaamka.

“Waxay dhacday intii la i haystey, markii la igu yiri akhri Qur’aanka waan ku qancay,” ayay tiri Silvia oo meesha ka saartay war sheegayey in go’aanka ay qaadatay uu ku yimid cadaadis saykolojiyadeed oo la saaray.

 “Qofna ima khasbin aniga, runna ma aha warka sheegaya in khasab la igu guursadey. Wax khasab ah ama gacan ka hadal ah lama kulmin,” ayay tiri.

Silvia ayaa sheegtay in mudadii la haystey loo ogolaaday in ay maalintii 4 jeer luga baxsato oo aan marna la dareensiinin ”in la haysto”, sida ay tiri.

“Kitaab Qur’aan ah ayaa la i siiyey, waxaana la i baray xoogaa Carabi ah, iyagoo dhaqankooda ii sharraxay, aqbaliddaydu waxay ahay geeddi socod gaabis ah” ayay raacisay. Magacaygu hadda waa Caa’iisha”, iyadoo sheegtay inay afduubtayaashu ay aag bedelanayeen 3-dii biloodba mar.

Talyaaniga ayaa laftiisu la yaabban xaaladda ay nafsaani ahaan ku sugan tahay Silvia oo waloow 18 bilood la haystey aan muujinaynin murugo iyo niyad jab.

“Waxaan filayney qof hiyi kacsan, balse waxay u muuqataa qof ay wax kasta caadi u yihiin oo muujinaysa degganaan iyo adayg aan caadi ahayn oo dhanka niyadda ah” ayuu yiri Danjiraha Talyaaniga ee Somalia, Alberto Vecchi, oo shalay Muqdisho kusoo dhoweeyey.

Si kastaba, wararka ayaa sheegaya in haweenaydan laga bixiyey lacag madax furasho ah oo malaayiin doollar ah.

Hadalsame Media