XAL CUSUB: UK oo qaadaysa ololihii ugu ballaarnaa ee ka dhan ah cudurka Covid-19 (Difaaca jireed ee 50 milyan qof oo la baarayo)

0

(London) 26 Abriil 2020 – Golaha Wasiirrada UK ayaa amray in la baaro difaaca jireed ee 50 milyan oo British ah, wax ay khubaradu fileeyso inay noqon doonto ‘xalka ugu wayn’ la dagaallanka Covid-19.

Xalkan oo ay soo jeediyeen culumo saynis ah oo dalkaa u dhashay ayaa ka dhigan in bisha Juun la ogaan doono dadka UK ku nool ee leh lid-jireedyada iska difaaci kara fayruskan – waxaana qofkii yeesha loo ogolaan doonaa inuu shaqaysto oo bulshada dhex galo.

Warkan ayaa soo baxay jeer uu RW Boris Johnson isu diyaarinayo ku laabashada xafiiskiisa Downing Street berritoole, kaddib markii uu ka badbaadey Covid-19 oo dili gaarey.

Geerida cudurkan ayaa shalay 20,000 dhaafay shalay – kaddib markii ay dhinteen 813 kaliya 24 saac oo ugu dambeeyey.

Hadalsame Media