”Waxaan qaadanaynaa mowqif cad!” – Guddoonka Hiiraan oo ka jawaabey war kasoo yeerey MW Puntand

0

(Beledwayne) 21 Abriil 2020 – MW Puntland Siciid Deni ayaa soo saaray war ay dad badani la yaabeen, kaasoo uu ku dalbaday inaan wax raashin ihi ka bixin maamul-goboleedka Puntland.

“Raashiinka Puntland yaalla waxay nala noqotay inuusan bixin oo Puntland gudaheeda lagu isticmaalo si loo ilaaliyo in uu yaraado,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ganacsatada maxalliga ah ku amray in sida uu yiri aysan raashin u dhoofin Gobollada Dhexe.

Yeelkeede, Guddoonka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkan kasoo yeeray MW Puntland, Siciid Deni, kaasoo uu ku sheegay mid dhaawacay xiriirka labada gobol.

Jeyte ayaa ku gooddiyey in haddii aan arrintan si dhaqse ah wax lagaga qaban ay moowqic cad ka qaadan doonaan.

“Waxaa halkan (Hiiraan), laga qaadaa khudaartii, xoolihii iyo subiggii, waxaana la geeyaa oo lagaga nool yahay Bosaaso iyo Garoowe. Haddii aan aanan laga noqon go’aankaas oo aan caqli Soomaalinimo lala imaan, dekedaha kale ee dalka ayaan u wareegaynaa, wax kasta oo Puntland naga aadayana canshuur labo jibaar ah ayaan saaraynaa,” ayuu yiri Md Jeyte.

Md Jeyte ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed aysan kala maarmin, isagoo Deni xusuusiyey in aanu adduunka ka jirin meel ganacsigii laga xirey ama cunto la’aani ka dhacday, balse kaliya lagu mashquulsan yahay la dagaallanka Covid-19.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobollada hodonka ku ah xoolaha iyo beeraha ee dalka Somalia, balse waxay wax kala soo degaan dekedda Boosaaso.

Hadalsame Media