Halka uu marayo dhismaha jidka isku xira Muqdisho-Afgooye (Turkiga oo gobollada u ballan qaaday mashaariic kan la mid ah)

0

(Muqdisho) 19 Abriil 2020 – Danjiraha Turkey u fadhiya Somalia, Mehmet Yılmaz, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey idaacadda VOA kusoo qaaday arrinta mashruuca lagu dhisayo jidadka isku xiraya Muqdisho-Afgooye-Jowhar.

Jidkan ayaa waxaa qaraxyo ay ku le’deen dad aan waxba galabsan oo rayid ah la beegsaday kooxda Shabaab bilihii Diseembar iyo Jannaayo, iyadoo ay weliba bisha hore dad aad u badan oo ay arday jidka mareeysey ku jiraan ku le’deen, waxaa haddaba Danjiraha la waydiiyey halka uu marayo mashruucaasi?

”Nasiib darro sida aad xustay waxay ahayd dhacdo aad u xun oo aynu usoo joogney, muwaadiniinteenna waxaa la dhintay qaar badan oo ka tirsan walaalaha Soomaaliyeed. Kuwa la diley maxay qabanayeen? Waxay ka shaqaynayeen dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Somalia. Dabcan dhacdadaasi wax caqabad ah kuma noqon shaqadii la wadey, howshuna halkaasi sideedii ayay hadda uga socotaa,” ayuu ku jawaabey Safiirka Turkey ee Somalia Mehmet Yılmaz.

Danjiraha ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday khabar cusub oo aanay dadku horay ula socon oo uu Turkigu damacsan yahay.

”Marka ay dhamaato, gobollo kale oo ka duwan ayaannu howshan oo kale ka bilaabi doonnaa.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media