DEG DEG: Ciidamada Libya oo sheegay inay soo rideen dayuurad dagaal oo Imaaraati ah

0

(Tripoli) 19 Abriil 2020 – Ciidamada Dowladda Libya ee la aqoonsan yahay ee GNA ayaa sheegtay inay soo rideen dayuurad kale.

Ciidamada GNA ayaa sheegay inay goor dhow bariga magaalada Misraata kusoo rideen dayuurad nooca is wada ah oo ay Imaaraadku leeyihiin.

Ciidamada GNA ayaa maalmo yar kahor horay u sheegay inay isla Misraata kusoo rideen 2 miig iyo hal halakabtay oo ay leeyihiin Ciidamada Jeneraalka hoggaamiye kooxeedka ah ee Khalifa Haftar, kaasoo uu fadhigiisu yahay Banqaasi, iskuna dayayey inuu qabsado caasimadda Tripoli, balse dib loo riixay.

Hadalsame Media