Laba su’aal oo XASAASI ah oo ka dhashay xaaladda caafimaad ee RW Britain

0

(London) 27 Maarso 2020 – RW Britain ee Boris Johnson ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in laga helay caabuqa caalamka silcinaya ee Covid-19.

LABA SU’AAL OO TAAGAN – Marka hore waxaa la is waydiinayaa calafka madaxdii isaga la shaqayneysey maalmihii ugu dambeeyay oo ay iyagana dhici karto inay cudurka qabaan.

Wasiirka Caafimaadka, Matt Hancock, ayay aad ugu badan tahay in la karaantiilo, maadaama uu isagu ahaa Wasiirka qura ee si dhow si maalinle ah ula shaqaynayey Boris Johnson maalmihii dambe.

Tan kale waxay tahay maadaama uu hoggaamiyaha ugu sarreeya UK uu karaantiil galay oo ay taasi dhimayso awooddiisa siyaasadeed iyo howl-maalmeedkiisa, isla markaana aanay UK lahayn RW Xigeen, yaa xilka sii qabanaya?

“Waxay u badan tahay Wasiir Dibadeedka It would probably be the foreign secretary, Dominic Raab, balse xaalka Johnson halis ma aha haddii aanu hadda kaddib ka darin,” ayuu yiri Laurence Lee oo AJ u warramaya.

“Dowladuhu hadda shaqooyinka waxay ku qabtaan dhanka videoconference-ga si kastaba,” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media