DEG DEG: Madaxdii DF ka socotey ee ka qayb gashay shirkii Garoowe oo qaaddacay qodobo kasoo baxay shirkaasi (Arag qodobbada)

0

(Garoowe) 20 Maarso 2020 – Wefdigii ka socdey DF Somalia ee ka qayb galay shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe ayaa qaaddacay qaar ka mid ah qodobbadii kasoo baxay shirkaasi.

Wasiirrada iyo Xildhibaannada DF Somalia ee shirkii Puntland ka qayb qaatay ayaa shir jaraa’id oo ay goor dhoweyd Garoowe ku qabteen waxay ka soo saareen qodobadan:

1 – Waftigu wuxuu qaadacay qodobadii shirka ee quseeyey dowladda federaalka, iyaga oo sheegey in aysan ka turjumayn doodihii iyo soojedinadii shirka.

2 – Waftigu waxay sheegeen in ay ka xunyihiin ereyo ay ku tilmaameen qadaf oo loo gaystay dowlad-goboleedyada kale.

3 – Wefdigu waxay soo dhoweeyeen socdaalka madaxweynaha Puntland ee Xamar.

4 – Waxay bogaadiyeen Shacabka Puntland iyo go’aamadii shirka intii qusaysay midnimada iyo horumarka Puntland.

Warar shirka ku dhow ayaa horay u sheegayey in qodobbadii shirka laga akhriyey ay inta badan ahaayeen kuwo u diyaarsanaa rag kooban oo shirkan dabada ka riixayey, halka aan la qaadanin qoddobo xeer jajab ahaa oo lagu heshiiyey.

Hadalsame Media