SL: Tillaabooyin adag oo lasoo rogey & darawalladii oo xarig lagu meegaaray!

0

(Stockholm) 17 Maarsoo 2020 – Hay’adda Gaadiidka Dadwaynaha Stockholm ee SL ayaa si ay u yareeyso faafitaanka caabuqa corona waxay soo rogey hab-raac caafimaad oo cusub, kaasoo la dhaqan geliyey shalay galab.

Tillaabadan ayaa waxaa lagu amray sharikaadka la jaalka ah SL ee gaadiidka maamula sida Arriva, Keolis iyo MTR, waana in la joojiyey in basaska laga soo galo iridda hore ee u dhow darawalka, iyadoo sidaa loo yeeli jirey in la hubiyo tikitka qofka.

”Shirkadaha qandaraaska nagula jira waxay ka walaacsanaayeen caafimaadka shaqaalohooda, gaar ahaan darawallada, marka go’aankan waxaan u qaadannay inay shaqadu sii socoto.” ayuu yiri Andreas Söderberg, afhayeenka SL.

Söderberg ayaa sheegay in wixii maanta ka bilowda ay dadku gawaarida basaska ah ka geli doonaan albaabka dhexe iyo kan dambe, iyadoo dadka loosoo jeediyey inaysan isla fariisan.

Dadka aan haysanin kaararka ayaa loosoo jeediyey inay lacagaha ku bixiyaan app-ka SL.

Basaska ayaa sidoo kale waxaa agagaarka darawalka lagu meegaaray xarig cad si aan darawalka loogu dhowaanin.

Yeelkeede, tareennada dhulka hoostiisa mara iyo kuwa kale ee gobollada aada, dadku caadiyan waa kasoo geli karaan albaab kasta, waayo darawalku wuxuu ku jiraa kabiin ama shir u gaar ah.

Hadalsame Media