”Kuma noqon karno dalkeenna!” – Dad reer Yurub ah oo Muqdisho iska ”dhiibey”

0

(Muqdisho) 17 Maarso 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia ayaa sheegaya in ay halkaa iska ”dhiibeen” 7 nin oo Talyaani ah.

Todobadan muwaadin ee Talyaaniga ah oo Somalia howlo gaar ah u joogay ayaa lagu wadey inay dalkooda dib ugu noqdaan kaddib markii uu ka dhacay dal ku galkii.

Lama faahfaahin nooca shaqo ee ay u joogeen magaalada Muqdisho, balse waxaa loo badinayaa inay ka mid yihiin shaqaalaha shisheeyaha ah ee halkaa ku sugan.

Yeelkeede, waxaa lagu soo warramayaa in ay Waaxda Socdaalka iy Jinsiyadaha Somalia ka codsadeen dowladda Soomaaliya inaysan ku celin Talyaaniga, balse taa biddaalkeeda dal ku galka loo kordhiyo, maadaama waddanka Talyaaniga uu haatan si ba’an uga jiro caabuqa uu keeno feyruska Corona (COVID-19).

DF Somalia ayaa la sheegay inay ka aqbashay codsigoodii, waxaana loo kordhiyay fiisihii, maadaama ay Somalia ku sugnaayeen waqti ka badan 14-ka maalmood ee loo mudeeyay huuriska cudurka qofkii ka yimid Talyaaniga iyo dalalka kale ee uu cudurku la degey.

Waxaa horay u dhacday inay 35 kale oo Talyaani ihi ay sidan oo kale Itoobiya uga codsadeen in fiisaha loo kordhiyo, sabab la mid ah midda aannu soo sheegnay.

Hadalsame Media