DHEGEYSO: Dhibaatada Turkiga ku haysata Soomaalida, doorka liita ee Safaaradda & siyaasiyiinta Soomaalida ee halkaa taga oo… (Qaybtii 2-aad)

0

(Ankara) 17 Maarso 2020 – Warqaadka Hadalsame Media ayaa booqasho uu ku tegey dalka Turkiga wuxuu u kuur galay waxyaabo badan oo la xiriira nolosha Soomaalida Turkiga guud ahaan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, hantida ma guurtada ah, dokumentiyada, iqaamadaha iwm.

Waxaan haddaba waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeelannay Abshir Aadan Maxamed oo ka mid ah agaasimayaasha shirkadda Çelik Sigorta oo qabata adeegyo badan sida caymiska, soo saarista dokumentiyada, dirista badeecooyinka iwm, fadhigiisuna yahay caasimadda Ankara.

Haddaba, waraysiga aannu la yeelannay Abshir oo aannu qaybo kala duwan u kala abla-ablayney ayaannu qaybtan ku eegaynaa arrin ku saabsan dhibaatada guud ee haysata Soomaalida, doorka liita ee Safaaradda Somalia iyo sida ay naftooda oo qura uga fikiraan siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida ah ee Tukriga taga.

Halkan hoose ka dhegeyso. Waxaa waraysiga qaadaya Maxamed Xaaji, tifaftiraha Hadalsame Media.

Halkan dhag sii Youtube

Hadalsame Media