ARRIN HALIS AH: DF Somalia oo qaadatay go’aan aysan dad badani la dhicin!

0

(Muqdisho) 12 Maarso 2020 – Wasaaradda Caafimaadda DF Somalia ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda cudurka corona ee caalamka ruxay, iyadoo xaqiijisay in aanu weli jirin hal kiis oo cudurkaas ah oo Somalia laga diiwaan geliyey.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay jiraan ilaa 4 muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid meelaha uu ku dhuftay cudurkan, kuwaasoo la karaantiilay, si ay u dhamaystaan muddada huuriska oo gaaraysa 14-maalmood, isla markaana laga qaaday muunado la baarayo oo loo diray dalka dibeddiisa si loo hubiyo inay cudurka qabaan iyo in kale, balse aanay weli kasoo bixin wax astaan ah oo cudurka muujinaya.

Yeelkeede, dad badan ayaa soo jeediyey inay Xukuumaddu ku khaldan tahay inay sideedaba aqbasho in xilligan dalka laga soo galo dhanka dalalka uu cudurku la degey.

Dadka aqoonta u leh cudurrada faafa ayaa qaba inay wanaagsan tahay in dadka meelahaas ka imanaya lagu amro inay meelohooda joogaan, si aan cudurka loogu gudbin dadka kale, maadaama aysan Somalia lahayn mug ay kula macaamisho cudur noocan ah oo uu iska kooban yahay kaabaha caafimaad ee dalku.

Caalamka oo idil ayaa hadda iska xirey dadka uga imanaya dalalka uu cudurku la degey, iyo xitaa qofkii joogey ama tegey 14-kii maalmood ee ugu dambeeyay, iyadoo uu maanta Maraykanku diidey inay dalkaa ku noqdaan muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Yurub.

Hadalsame Media