Shirkadda ugu taajirsan Sucuudiga oo ku kacday fal lagu tilmaayay mid ”yaqyaqsi” ah!! (Jawaabaha)

0

(Dahraan) 11 Maarso 2020 – Waxaa soo baxay muuqaalka nin ajnabi ah oo u shaqeeya sharikadda shidaalka Sucuudiga ee Aramco kaasoo loo garraariyey weel uu ka buuxo dareeraha caabuq dilaha ah.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay cunsuriyad, bahdil iyo dhaqan dhiig miirad ah, waxaana dunida dhan ku baahay sawirrada ninkaa miskiinka ah ee walwaalaya sanduuqaa culus, oo la arkayey isagoo dadka shaqaalaha ah ula dhowaanaya si ay gacmaha uga nadiifsadaan jeermiska, jeer uu sanku u duubnaa.

Dhismahan ayaa markiiba la bar gatay inuu yahay mid ka mid ah xafiisyada ay shirkaddan hodanka ihi ku leedahay magaalada Dahraan.

Sharikadda Aramco lafteeda ayaa lafteedu arrintan ka hadashay, waxayna sheegtay inay kaliya doonaysey inay dadka ku boorriso muhiimadda ”faya dhowrka” xilligan adag.

“Sharikaddu markiiba waa joojisey ficilkan, waxayna qaadday tillaabooyin lagu baajinayo inuu markale dhoco,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay.

An Aramco employee is seen inside the Aramco headquarters in Dhahran, Saudi Arabia May 23, 2018. Picture taken May 23, 2018. REUTERS/Ahmed Jadallah

Hadalsame Media