”Umaddii ummi u sacbisa waa u dhamaatay!” – Kenya oo looga digey Axmed Madoobe

0

(Nairobi) 08 Maarso 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa weerar ku qaaday hoggaamiyaha Jubbaland, Aadan Madoobe, kaasoo uu soo jeediyey in loo gudbiyo Maxkamad caalami ah.

Macallin ayaa soo qaatay muuqaal uu Axmed Madoobe ku baaqayo in aan Somalia ciidan loo tababarin isla markaana xitaa hawada laga celiyo, isagoo dalalka caawiya ugu baaqay inay iska daayaan, isla markaana aan marna soo hadal qaadin Kenya oo intii uu Kismaayo joogey luggooyo aan kala joogsi lahayn iyo faragelin ku haysey Somalia.

Wuxuu Twitter-ka kusoo qoray: ”Hoggaamiyeyaashu waa muraayadda bulshada ay hoggaamiyaan. Bulsho u sacbinaysa ummi dhiig u ooman si ruuxi ah ayay u hoogtey.”

”Kenya xaq uma laha in lala xiriiriyo hoggaamiye kooxeedyo ama gaangiistarro dembiileyaal ah oo abaabulan oo dadkooda argagixiya. U gacan geliya maxkamadda ICC sida Nkunda.” ayuu daba dhigay.

Axmed Madoobe oo 3-dii xukuumadood ee ugu dambeeyay mid kasta ku taagnaa, ayaa aad loogu dhaliiley kelmadda uu maalin dhowayd ka sheegay Kismaayo oo ay dad badani u fasireen inuusan doonayn inuu dalku horay u socdo, haddii uusan gaarin danihiisa shakhsiga ah, taasoo ah arrin 30-kii sano ee lasoo dhaafay dib u celisey Somalia.

Hadalsame Media