DEG DEG: Wasiir ka tirsan Jubbaland oo isu soo dhiibey Ciidamada Xoogga Somalia

0

(Beled Xaawo) 07 Maarso 2020 – Wararka ka imanaya dhanka Beled Xaawo oo aan weli si buuxda loo xaqiijin karin, ayaa sheegaya inuu haatan isa soo dhiibey Wasiir ka tirsan Jubbaland.

Ninkan oo ahaa Wasiir Xigeenka Gudaha laguna magacaabo Cabdiraxmaan Cawar ayay wararku intaa ku darayaan inuu isu dhiibey Ciidamada Xoogga Somalia ee ku sugan magaalada Beled Xaawo.

Is dhiibidda Md Cawar ayaa caqabad hor leh iyo jug niyadeed ku noqonaysa Cabdirashiid Janan oo haatan ku sugan dhanka Kenya maamusho, kaddib markii lagaga adkaaday dagaal Isniintii halkaa ka dhacay.

Si kastaba, waxaan weli dhinac u dhicin xiisadda ka oogan ”xadka” u dhexeeya Somalia iyo Kenya, iyadoo ay Dowladda Kenya ay Somalia ku eedaysay inay ku ”xad-gudubtey geyiga Kenya.”

Waxaa kaddib telefoonka ku wada xiriirey MW Somalia iyo Kenya oo sida la yiri isla gartay inay xiisadda dejiyaan dhinacyo badanna iska kaashadaan.

Hadalsame Media