Turkiga oo sameeyay arrin ay Israel oo qura horay ugu guulaysatey (Cudud cajiib ah)

0

(Ankara) 03 Maarso 2020 – Turkey ayaa dalka Suuriya ku dalbaday raxan daroonno dagaal ah, kuwaasoo ay baabah kaga dhigeen bartilmaameedyo ay leeyihiin ciidamada Suuriya, taasoo ay khubarada ciidanku ku tilmaameen mid muujisay cududda farsamo ee Turkigu leeyahay.

Turkiga ayaa u aargudayey 33 askari oo ay madaafiic ku laayeen kuwa Suuriya, taasoo keentay inay Turkigu howlgeliyaan daroonnadii ugu badnaa ee uu abid adeegsado dal dagaal ku jira, taasoo ah qorshe uu wax ka ogyahay MW Recep Tayyip Erdogan, sida ay sheegeen khubaradu.

Turkiga ayaa isagoo adeegsanaya dayuuradahan bilaa duuliyaha ah wuxuu duqeeyn ba’an u gaystey xeryaha ciidamada Suuriya iyo xitaa wershaddii ugu waynayd ee hubka kiimikada, waxay sidoo kale burburiyeen hannaankii difaaca cirka Suuriya, taasoo keentay su’aal ku saabsan wax ku oolnimada hannaankan Ruush sameega ah oo loo baahnaa inuu weerar noocan ah ka difaaco Suuriya.

“Taasi waa arrin ay kaliya horay u samaysay Israel oo qura ilaa iminka,” ayuu qiray Charles Lister, maareeyaha Barnaamijka La Dagaallanka Xag-jirnimada ee machadka Middle East Institute, oo warkaa kusoo qoray Twitter, isagoo tixraacaya muuqaal ay baahiyeen ciidamada Turkiga oo muujinaya qaayada burburinta ay gaysteen.

Suuriya ayaa sheegtay inay xirtey hawadeeda isla markaana ay dayuurad kasta oo soo gasha u arki karto mid cadow ah, sida ay faafisay SANA. Dagaalkan ayaa xilli kasta isu bedeli kara mid caalami ah.

Hadalsame Media