”Marka ay Somalia Xildhibaannadeenna martigelisey miyaan cabsanaynaa, imisa sano ayaan faragelin ku haynney!” – Siyaasi caan ah oo runta sheegay!

0

(Nairobi) 01 Maarso 2020 – Waxaa maanta gegada Jommo Kenyatta lagu qabtay oo su’aalo la waydiiyey ilaa 11 Xildhibaan oo Soomaali, kuwaasoo booqasho aysan ogayn Dowladda Kenya ku tegey caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Kenya ayaa arrintan ka carootey iyadoo sheegtay inaysan waxba ka ogayn booqashada wefdigan isla markaana aysan wax howl ah u dirsanin Wasaarad Dibadeedka Kenya, isla markaana aysan wargelin Guddoonka Baarlamanka.

Waxaa arrintan ka jawaabey siyaasiga Faarax Macallin oo horay u ahaa Guddoomiye Xigeenka Baarlamanka Kenya.

”Geeridii galbeed laga sheego gondahaaga ka eeg. Madaxtooyada, Ciidamada Xoogga Kenya, Wasaarad Dibadeedka Kenya, Baarlamanka iyo Sirdoonkeennu waxay muddo dheer iska dhex boodayeen arrimaha gudaha Jamhuuriyaddda Somalia.” ayuu ku bilaabay.

”Waannu uga digney Dowladda Kenya inay arrimahaa ka baxdo balse kuma guulaysan. Hadda waa kuwaa Xildhibaannadeennii marti gelinaya, waxaana galnay cabsi!!” ayuu daba dhigay Faarax.

Hadalsame Media