Lacag aan sharci ay waafaqsan tahay la aqoon oo Soomaalida looga qaado Garoonka Garowe (Arag caddaynta)

0

(Garowe) 28 Feb 2020 – Waxaa nasoo gaarey war caddayn wata oo ku saabsan in Garoonka Diyaaradaha Garowe qof kasta oo ka dhoofaya laga qaado lacag gaaraysa 3 doollar oo lacagta Maraykanka ah.

Lacagtan oo aanay warqaddayda ku caddayn sababta dadka loo saaray ayaa dadka afka looga sheegaa inay tahay ”lacag nadaafadeed”, iyadoo aan lacag noocan ah xitaa lagu qaadin garoomada kale ee Puntland marka laga reebo Garoowe, iskaba daa Somalia inteeda kale.

Waxaa kasii daran oo in la xuso mudan in qofka Soomaaliga ah ee u dhashay Soomaaliya isla markaana weliba sita Baasaboorka Soomaaliya garoonka looga qaado lacag lagu sheegay FIISE ama dal ku gal, kaba sii darane waxaa lacagtaas oo 20 doollar ah qofka laga qaadayaa marka uu dhoofayo.

Ogoow dunidu qofka uu FIISE ku waajibey waxay ka qaaddaa marka uu dalka kasoo gelayo garoomada, dekeda, xuduudaha kale ee dhuleed iwm, manaba ku jirto marka uu qofku dalka u dhashay oo markaa uma baahna wax dal ku gal ah, tani se waaba tiiyoo uu dhoofayo.

Waxaa intaa dheer in qofkii sita Baasaboor Shisheeye marka uu soo gelayo garoonka laga qaado 60 dollar, waxaanay dadku is waydiinayaan sababta loogu baahan yahay in 3 doollar oo kale nadaafad lagu qaado maadaama uu dakhli soo galo garoonka oo ay waajibka maamulka tahay inuu daboolo wixii tas-hiilaad ah.

Guud ahaan dalka Somalia ayaa waxaa ka jira nidaamyo dadka uun lacago kala nooc ah oo fara badan ka gura, balse aan wax adeeg ah oo muuqda dib ugu celin bulshada.

Hadalsame Media

.