Kenya oo qiratay inay ku khasaartay muranka ay la gashay Somalia (Cadaadis uga imanaya ganacsatada)

0

(Nairobi) 24 Feb 2020 – Waxaa halkii ugu hooseeysey gaartey badeecada ay Kenya u dhoofiso Somalia, taasoo markeeda hoos u dhigtay dakhliga ay Kenya ka hesho Somalia, iyadoo arrintan wax laga saarayo muranka ay Kenya bilowday ee ku saabsan dhul-badeedka Somalia, sida lagu qoray Business Daily.

Waxyaabaha ay Kenya u dirto Somalia oo inta badan Qaad ah ayaa kusoo koobmay Sh3.24 bilyan oo shilin, iyagoo kasoo dhacay Sh11.83 bilyan ilaa bishii Diseemvbar ee dabayaaqadii sanadkii tegey ee 2019-kii.

Guud ahaan dakhliga badeecooyinka ay Kenya u dhoofiso Somalia ayaa gaarey halkii ugu hooseeyay muddo 10 sanadood ah oo ku beegan 2009-kii oo ay Kenya Somalia ka heli jirtey Sh11.22 bilyan oo shilinka dalkaas ah, iyadoo ay magaalada badeecada ugu badani geli jirtey ay tahay Muqdisho, sida uu sheegay Bankiga Dhexe ee Kenya (CBK).

“Waxaa jira faragelin siyaasadeed. Dowladda Muqdisho inta hurdada subaxdii ka toosto ayay iska leedahay ”Qaad ma iman karo”. Murannadani waa kuwa ugu badan ee na werwerinaya,” ayuu yiri Kimathi Munjuri, oo ah Guddoonka Jamciyadda Jaadka ee Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita),

Ethiopia ayaa ah dalka koowaad ee ka macaashay tala xumada Kenya, halka ay Soomaali badani dhanka ganacsiyada kale ula wareegeen Turkiga, Cumaan iyo meelo kale.

Hadalsame Media