DHEGEYSO: Dowladda Sweden oo la wareegaysa maamulka lacagta CAYRTA & ujeedka

0

(Stockholm) 24 Feb 2020 – Xisbiga Kristdemokraterna ayaa soo jeediyay in lacagaha billaha ah ee dadka aan shaqayni iminka degmooyinka ka qaataan ee cayrta loo yaqaanno loo bedelo heer qaran oo ay bixiso dowladda dhexe ee Sweden.

Tillaabadan oo lacag bille ah lagu siinayo dadkan oo tirada guud ee shaqo la’aanta ah ka noqonaya 3 meelood ha meel ayaa dhan 126 kun oo qof, ayuu xisbigani ku doodayaa inay culayska ka yaran doonto degmooyinka, iyadoo sidoo kale ay shaqo u raadin doonto hay’adda Arbetsförmedlingen, sida ay ku doodayso hoggaanka xisbiga KD  Ebba Busch Thor.

– Marka loo eego lacagta la siiyo qofka cusub oo joogsanaysa marka aad yeelato 3 carruur ah, lacagta cayrtu waa iska soconaysaa taasoo keenaysa inay dadku gaaraan heer ay ka tegi waayaan halkii ay shaqo ka raadsan lahaayeen, ayay tiri Ebba Busch Thor.

Hadalsame Media