MW Farmaajo & Biixi oo la sheegay inay gaareen ”heshiis qarsoodi ah” oo dadwaynaha laga qarinayo

0

(Hargaysa) 19 Feb 2020 – Guddoonka xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay arrinta la isla dhex marayo ee ahayd booqashada MW Farmaajo ee ka dhalatay kulankii Addis Ababa ku dhex maray isaga iyo MW maamulka Somaliland ee Biixi ayaa sheegay inuu hayo xogo dadka ka dahsoon oo laga qarinayo.

Md Faysal ayaa soo jeediyey aragti ah in diidmada uu Biixi ku istaagey booqasho uu Haraysa ku tago MW Farmaajo aanay ahayn mid ka daacad ah, balse uu kaliya go’aankaa qaatay markii uu akhriyey dareenka shacbiga oo arrintaa ka hor yimid.

Md Waraabe ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ay isla meel dhigeen heshiis qarsoodi ah, kaasoo ah midka keenay in RW Abiy Axmed uu ku dhiirrado inay Farmaajo wada tagaan Somaliland.

“Waxani waa wax ay ku soo heshiiyeen markuu arkay mawjaddii shacabka Somaliland ayuu is baddalay, xogo kalana waan hayaa iyo waxaa ku kallifaya” ayuu yiri Guddoonka Xisbiga UCID oo aan faahfaahin sheegashadiisa.

Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka DF Somalia oo lagu sheegay ama looga hadlay wax ku saabsan khudbad uu MW Somalia ku tegayo maamulka Somaliland oo sheegtay inuu ka go’ay Somalia 1991-kii.

Hadalsame Media