Shaatiga Dowladda, shaqada siyaasiga & shacabka Soomaaliyeed?

0

(Hadalsame) 17 Feb 2020 – Cunug 8 jir ah oo si qurxan u labbisan ayaa dhinac istaagay koox carruur da’aadiisa ah oo geed hoostiisa ku ciyaarayaan. Cunuggii labbisnaa wuxuu dhahay war meesha ka kaca yuusan surwaalku idinka wasaqoobine haddii kale surwaalka ayaa idinka dhamaanayo waxaadna ku qasbanaaneysaan inaad surwaal cusub soo gadataan markaasna ma helli doontaan lacag aad nacnac kusoo iibsataan.

Kooxdii carruurta aheyd cayaartoodii ayey iska sii wataan, waxayna dhisayaan waddooyin, guryo, shirkado iyo dabaqyo-waaweyn oo ay carro qoyan ka sameeyeen. Wiilkii labbisnaa isna markii uu arkay inaan ilmuhu dhageysaneynin ayuu sheekadii bedelay wuxuuna bilaabay inuu dhaho guriga, dabaqa iyo wadooyinka aad dhisteyn si qaldan ayaad u dhisteyn ay sidaas iyo sidaas u dhisa. Markii ay weydiiyeen meeshuu ku arkay qaab dhismeedkaas ayuu isna ku jawaabay xalay ayaan filimka carruurta ay kartoonka ku daawaday.

Isagu weligiis waxba ma dhisin ilmaha wax dhisayana waxa ay la yaabanyihiin cunugaan dharka qurxan, tintu u shaleesantahay, ookiyaalaha mad-madow weligiisnq aan waxba dhisin hadana iyaga wax u sheegayo. Ilmihii iyaga oo taas la yaaban ayuu cunugii labisnaa taleefan uu hooyadiis oo hurdeyso kasoo boojeeyey jeebka kasoo bixiyey sawirna ka qaaday wixii ay ilmihii dhiseyn cabaar kadibna intuu u dhawaaday laad ku dhuftay wixii ay maanta dhan ku daalayeen dabadeedna goobtii ka cararay.

Habbeenkii markii aabbihiis guriga usoo hoyaday ayuu wiilkii qurxanaa tusiyey sawiradii uu maanta qaaday uguna sheekeeyey inuu dhisay dhismooyinkaas quruxda badan. Duqiina isaga oo aan waxba hubsan ayuu aad ugu farxay sancada wiilkiisa lacag nacnac uu kusoo iibsadana siiyey. Subixii dambena odaygu inta soo qaaday sawiradii keenay iskuulkii uu wiilkiisu dhiganayey si macalimiinta iyo ardayda iskuulka ugu sheego inuu wiilkiisu noqday injineer qatar ah mustaqbalkiisana aad u wanaagsanyahay uuna yahay tusaale mudan in lagu daydo.

Macalimiintiina inta sawiradii la dhaceyn ayagow aan waxba su’aalina qaadeyn kuna soo wareejiyeen fasaladii iskuulka ilaayo ay kasoo gaareen fasalkii ay dhiganayeen kooxdii carruurta aheyd ay markii horeyba sameesay dhismahaan. Kooxda ilmaha aheyd ayaa arkay wixii aan lagu taageerin oo ay gacantooda ku dhiseyn hadana si gardarro ah looga burburiyey inuu maanta ku faanayo kii burburiyey weliba ammaan uu ku muteysanayo.

Maalintaas kadib ayey ilmihii cadaawad xun u qaadeen wiilkii qurxanaa, wadada u istaageyn ugu dambeyna dhagax nafta uga qaadeyn isaga oo meed ahna meesha uga tageyn weliba u dhaarteyn cidii isku daydo iney goobta ka qaadaan. Cadaawadooda intaas bas kuma ekaan ay xitaa cunug walbo oo sidiisa oo kale u qurxan waxay u arkeyn inuu yahay shar ka maqan haddii uu yimaadana shartiisii lasoo laabanayo ayna muhiim tahay in shartaas laga hortago.

Dowladnimadu caadi iyo guud ahaanba waa qurxantahay sida wiilkaas oo kale. Shacabkuna iney dalkooda dhistaan oo ay maalgashtaan waa u diyaar sida kooxdaas carruurta oo kale.

Laakiin laakiin laakiin laakiin waxaa dowladnimada Soomaaliyeed wiiqay, burburiyey, ay kasoo kabsan weysay, welina horboodayo siyaasi leh dhaqan iyo afcaal xun-xun oo lagu sameenayo shaatigii qurxanaa ay dowladnimada. Haddii magaca dowladnimada oo asal ahaan qurxan muwaadinka lagu dhibo, xaqiisa lagu xaqiro, waxwalbo lagu tijaabiyo iyada oo aan dan laga laheyn dareenkiisa/sharaftiisa/noloshiisa waxaa ka dhalan iney dadku dowladnimada dhibaato iyo halaag u arkaan.

Taas waxaa kasii daran haddii dhibaatada uu siyaasiga xummi ku hayo shacabka aan kusii taageerno kas ama kasdarro sida aabbahaasba wiilkiisii quruxda badnaa utaageeray waxaa dhaceyso shacabku iney dowladnimada nacaan kana shaqeeyaan sidee ku burburin lahaayeen.

Si marka aan u helno dowladnimo waarto waa inaan ka shaqeynaa sidaan u soo saari laheyn siyaasiyiin aanan ku ciyaareynin quruxda dowladnimada, shaqo yaqaan ah, u turayo muwaadiniinta kale, leh hal-abuur bulsheed sidoo kalena dalka iyo dadka ku hogaamin karro fikrad dheer oo shaqo iyo xamaali dhab ah asal u tahay. Sidoo kalena aaminsan shaatiga dowladu inuu yahay masuuliyad weyn iyo shacabka oo la gaarsiiyo adeeg weliba sida ugu waqtiga yar hadana tayada badan. Shacabkana loo sheego siyaasigu inuu yahay qadaam markii ay doonnaan ay bedelli karaan. Mid walbow fiicana uu jiro mid kasii fiican oo aan welli fursad hellin.

Fadlan haddii aadan taas ka shaqeyn karin, ka dheerow inaad ammaan u sameysid qof shaatiga dowladnimada muwaadiniin Soomaaliyeed dhib ugu geystay haddii kale waxaad noqon aabbihii wiilkiisii qurxanaa ku waayey beentii uu ku dhiirageliyey.

Waxaa Qoray: Ismaaciil Cali Wasiir

Hadalsame Media