Urur goboleedka IGAD oo war u eg midkii Maraykanka kasoo saaray Doorashada Galmudug

0

(Muqdisho) 02 Feb 2020 – Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay doorashada Galmudug ee maanta ka dhacday magaalda Dhuusamareeb, iyagoo sidoo kale u hambalyeeyay Madaxwaynaha maamulkaasi ee Axmed Kaariye Qoor Qoor.

Laba War Saxaafadeed oo ay soo saareen, ayay waxay sheegeen in doorashada Qoor Qoor ay caadi kusoo celin doonto xaaladda Galmudug, iyagoo rajeeyay inuu maamulkaasi dusha u ridan doono waajibaadka amaan ee hor yaalla, iyagoo ballan qaaday inay la shaqayn doonaan DF iyo maamulka Galmudug.

IGAD ayaa sidoo kale soo jeedisey in wixii harsan wada xaajood lagu dhameeyo oo ay xil isa saaraan saamileeyda maamulkaasi, iyadoo ka digtey in rabsho wax lagu raadiyo.

Waxay IGAD dhinacyada ay khuseeyso oo dhan u jeedinaysaa:

1 – In laga fogaado wax kasta oo gacan ka hadal ah oo wiiqi kara nabadda, xasilloonida iyo nidaamka.

2 – In khilaaf kasta lagu dhameeyo wada xaajood.

3 – In muhiimadda la siiyo nabad dhisidda iyo dib u heshiisiinta si loo xoojiyo wada xaajoodka iyo is dhexgalka dadka Galmudug.

Waxaa horay doorashada Galmudug war sidan oo kale ah oo hambalyo iyo digniin ka kooban uga soo saartay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Hadalsame Media